Degmada Qandala ee gobolka Bari oo loo sameeyey gole deegaan oo cusub

January 18, 2012 - Written by

Boosaaso:-Degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa waxaa loo sameeyey markii ugu horeysay gole deegaan oo cusub ka dib markii dhawaan ay halkaasi kormeer ku tageen wafdi uu hogaaminayo  gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan iyo wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha ee Puntland Cabdi Yaasiin Xirsi.

Golaha deegaanka ee degmada Qandala loo sameeyay ayaa waxaa uu ka kooban yahay 21 xubnood waxaana ay soo doorteen gudoomiyaha Degmada Qandala iyo ku xigeenkiisa

Gudoomiyaha Degmada Qandala ayaa si gacan taag ah waxaa loogu doortay -Jaamac Maxamed Qoorshe oo helay 18 cod halka ku xigeenkiisana loo doortay Cali Siciid Jaamac.

Waa Markii ugu horeysay ee Maamulka Punland uu u dhiso Degmada Qandala gole Deegaan waxaase waxqabad looga fadhiyaa golaha la soo doortay taas oo ay ugu horeyso sameyn kaabayaal dhaqaale iyo sugida amniga.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online