Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya oo Duqeyn culus u geystay Jaziirada Kudhaa

January 5, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka  Jubadda Hoose ayaa sheegaaya in diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay galabta duqeyn culus u geysteen  jasiiradda Kudhaa waxaana duqeynta fuliyey laba Diyaaradood oo kala danbeeyey wax ka yar 30 daqiiqo.

Diyaaradaha ayaa waxay 7 gantaal ku dhufteen Jaziirada Kudhaa waxaana jira khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac ma aha markii ugu horeysay ay diyaaradaha dalka kenya ay duqeeyaan Jaziirada Kudhaa .

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Kismaayo ayaa loo xaqiijiyey duqeynta wilina lama hayo wax faahfaahin ah ama inta uu le,gyahay khaasaraha soo gaaray shacabka ku dhaqan Jaziirada.

Ururka Alshabaab ayaan wili wax war ah ka soo saarin duqeynta ka dhacday Jaziirada Kudhaa.warar hordhac ah ee soo gaaraya halgan.net ayaa sheegaya in diyaaraha ay duqeeyeen goobo lagu keydiyo dhuxusha laga dhoofiyo Jaziirada Khudaa.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online