Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya oo Duqeyn culus u geystay Jaziirada Kudhaa

January 5, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka  Jubadda Hoose ayaa sheegaaya in diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay galabta duqeyn culus u geysteen  jasiiradda Kudhaa waxaana duqeynta fuliyey laba Diyaaradood oo kala danbeeyey wax ka yar 30 daqiiqo.

Diyaaradaha ayaa waxay 7 gantaal ku dhufteen Jaziirada Kudhaa waxaana jira khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac ma aha markii ugu horeysay ay diyaaradaha dalka kenya ay duqeeyaan Jaziirada Kudhaa .

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Kismaayo ayaa loo xaqiijiyey duqeynta wilina lama hayo wax faahfaahin ah ama inta uu le,gyahay khaasaraha soo gaaray shacabka ku dhaqan Jaziirada.

Ururka Alshabaab ayaan wili wax war ah ka soo saarin duqeynta ka dhacday Jaziirada Kudhaa.warar hordhac ah ee soo gaaraya halgan.net ayaa sheegaya in diyaaraha ay duqeeyeen goobo lagu keydiyo dhuxusha laga dhoofiyo Jaziirada Khudaa.

Cabdi Yare
Kismaayo

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Waxan salamaya walalah webka halgan.net &dhamaan shacabka somaliyed. Kadib, waxa layiri islaan haween ah ayaa waxa qabay nin udaran, maalinkii dambe aya laga dilay. Waxayna ku oyday, (iidaraneheygiiyow la iiga sii daryeey.!). Xaalku u ekaa sidaas. Diinta, Dadka, & Dalkaba Rabbiyow bad baadi. Aamiin. By:Hurdaaye .

Leave a comment

*