Dulleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha: Goormay Soomaalidu ku Baraarugi Doontaa?

January 20, 2012 - Written by

Afeef:-An ku bilaabo eray afeef ah. Nin saaxiiibkay ah oo akhriyey qormadii koowaad ee qoraalkan ayaa shakhsi ahaan wuxuu ii soo gaarsiiyey (Allaha ka abaal-mariyee) falcelis uu igu dhaliilayo qoraalkayga inuu ka muuqdo xanaaq ama caro badan iyo qiiro waddaniyadeed oo beri hore Soomaalidu ka wada tagtay. Waan fahmay inuu i leeyahay waxaad tahay hor-u-jeed aan waqtiga la socon ama dantiisa aqoon! Waxaan malaynayaa in badan oo idinka mid ah inaad saaxiibkay dhaliishaas la qabtaan. Anna maba dafirayo ee waan qirsanahay. Hayeeshee wax bay i xasuusisay. Dhaliishaas la leeyahay maxaad u muujisay waxay i xasuusisay buug-yare oo aan beri dhaweyd akhriyey. Waa buug dunida gilgilay sannadkii dhammaaday (2011), raad-reebkiisiina weli meelo badan ka socdo.

Magiciisu waa Waa af Faransiis micnihiisu af-Soomaali ku noqonayo “Ka kaca oo ka Damqada waxa Dhacaya!”. Waxaa qoray Stephane Hessel oo ah waayeel Fransiis ah, 93-jir ka mid ah dadkii u soo halgamay xoraynta Faransiiska dagaalkii labaad ee dunida, ka dibna noqday diblomaasi sare. Buug-yaraha Hessel (dhawr iyo soddon bog) wuxuu xambaarsan yahay dhambaal aad u xanaaqsan. Wuxuu ku kicinayaa dhallinyarada Faransiiska Iyaguna markiiba way la boodeen kuna hawlgaleen. Waxay ku tallaabsadeen bannaanbaxyo waaweyn oo dalka wada gilgilay. Faransiiska kuma koobnaan balse caradii dhambaalka Hessel waqti yar gudihiis ayay waxay dunida ugu fidday sidii caws dab galay. Dhawr iyo tobankii bilood ee u dambesey dalal badan oo ku yaal Yurub iyo Ameerika ayaa waxaa gilgilay dibad-baxyo caraysan oo dhallinyaradu hormuud ka ahayd. Dalalkaas waxaa ka mid ah Faransa, UK, Spain, Giriig iyo Maraykanka.

Halkaan riix Dulleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha

 W/Q Qore: M. D. Afrax

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online