Duruus ka bilaaban doonta Qolka Somali Islamic Altaqwaa Network iyo 114

January 12, 2012 - Written by

Oslo:-Waxaan dhamaan walaalaha kunool dacaladda caalamka ee isticmaala Aaladda Paltalk iyo Teleconferenceka USA / Canada ugu bogaadinaynaa inay bilaaban doonaan kutub badan oo ay akhrin doonaan culimadda soomaaliyeed. Kutubta waxaad kala socon kartaa Aaladda Paltalk ( Qolka Somali Islamic Altaqwaa Network ) iyo Tele conferenceka USA / Canada ( Telka 00 12189364343 Ka dib taabo 114# ).

Casharadda Waxay kala yihiin sidatan:

1 – Caqiidatu Daxaawiya – Sh C/raxmaan Sh Cumar – Isniin iyo Talaado –
21:00 pm uk time
2 – Qasiidatu Towbah Li Ibnu Isxaaq – Sh Cabdiqani Qorane – Isniin,
Khamiis, Sabti – 22:00 pm uk time
3 – Abu Shujaac – Sh Dr C/Risaaq Takar – Arbacadda – 21:00 pm uk time.
4 – Islaaxul Mujtamac – Sh Maxammed Xasan – Arboco iyo Khamiis – 22:00
pm uk time.
5 – Tafsiirka Quraanka / Aayaatul Axkaam – Sh Dr C/Risaaq Takar – Sabti
– 12:45 pm ( Bacda Duhur )
6 – Jaamicul Culuum Wal Xikam – Sh Cismaan Cali Faarax – ( Maalmaha dib
baan ka soo sheegi doonaa Insha Allaah )
7 – Raxiiqul Makhtuum – Sh Xasan Ibraahim Ciise – Jimce iyo Sabti –
19:00 pm uk time
8 – Silsiladda Dalabka Cilmiga – Sh C/Risaaq Xaashi – Talaado – 20:00
pm uk time
9 – Usuulu Thalaatah – Sh Xuseen Sh Cali ( Xanaafi ) – Isniin iyo
Talaado – 19:00 pm uk time

Casharadaas ka sokow, waxaa iyagana toos boos loogu sameeyey habeen u gaar ah barnaamijka su’aalaha walaalaha soomaaliyeed qabaan oo ah habeenka Jimcaha, Saacadda 21:00 pm uk time. Suaalihiina halkaan kusoo
dirsadda ( fatwa@altaqwaa.info )

Insha Allaah waxaa jiri doona casharo, kutub iyo silsiladdo kale oo ay inoo gali doonaan culimo aan insha Allaah ka sugayno jawaab goor dhow.

Waxaan Allaah swt ka baryaynaa inuu miisaanka xasanaadka ugu daro dhamaan culimaa’udiinka soomaaliyeed ee casharadda na siinaysa, anagga dhagaysanaynana naga dhigo kuwa qaata qawlka kiisa saxsan kuna hanuuna
tubta toosan Aamiin.

Maxammed Ibraahim Cawad ( Abu Axamed )
Xidhiidhka Culimadda
Somali Islamic Altaqwaa Center iyo Walaalaha 114

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online