Golaha Wasiirada DFKM oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho

January 5, 2012 - Written by

Muqdisho, 05 January 2012) Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Cabdi weli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo, magacaabid safiir iyo safarada Wasiirada.

Ugu horreyntii Wasiirada Amniga ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyey dhanka xasilinta caasimadda Muqdisho, ha yeeshee loo baahanyahay in shacabka iyo Dowladdu ay iska kaashadaan arrimaha amniga. Golahu waxey isku raaceen in degmo walbo iyo waaxya dooda ay si wadajir ah uga howlgalaan arrimaha amniga iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed.

Guddiga Wasiirada Abaaraha ayaa warbixin siiyey golaha ee ku wajahan sida ay u socdaan howlaha gar-gaarka bani’aadanimo, waxeyna sheegeen in qorshihii Dowladda ee dib-u-dejinta barakacayaasha uu bilowday oo illaa iyo hadda dib-u-dejin loo sameeyey in ka badan 1500 qoys. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in barakacayaasha lagu saacido sidii ay guryahooda ugu noqon lahaayeen isla markaana loogu abuuri lahaa mashaariic horumarineed.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa golaha soo hordhigay musharax Khalif Kadiye Muse inuu noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Iiran. Wasiirka ayaa golaha uga warbixiyey khibradda iyo waayo-aragnimada Khalif oo uu sheegay inuu muddo dheer ku soo dhexjiray diblomaasiyadda, isla markaana soo gudbiyey Taariikh Nololeedka musharaxa. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiradu waxey isku raaceen in Mudane Khalif Kadiye Muse uu noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Iiran.

 

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in kulan uu la qaatay Guddiga Wadajirka ah ee ka kooban Dowladda, Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna uu la kulmay 3-dii Janaayo si loo dar-dargeliyo howlaha Dastuurka. Guddigan Wadajirka ah ayaa uu Ra’iisul Wasaarahu horey u magacaabay si ay u dar-dargeliyaan ansixinta Dastuurka oo ay ka mid tahay talo soo jeedinta habka ugu habboon ee loo ansixin karo dastuurka iyo diyaarinta Guddi Soomaali u dhantahay (Constituent Assembly) si ay u ansixiyaan dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha wasiirada ugu baaqay in loo baahanyahay in Wasaaradaha ay dar-dargeliyaan u adeegidda shacabka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku booriyey golaha wasiirada inay yareeyaan safarada isla markaana looga baahanyahay inay  dhex galaan shacabka oo uu dhaco isla xisaabtan dhab ah.

 

– DHAMAAD –

Garad Salad Hersi
Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online