Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa DFKM oo maanta lagu dhawaaqay

January 19, 2012 - Written by

Waxaan maanta soo dhameystirnay xubnihii Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa si ay u howl galaan, 17kii November 2011 ayaa golaha wasiiradu waxey ansixiyeen in dib loo cusbooneysiiyo sharciga Law no. 10 ee 1968 ee lagu aasaasay Xafiiska La Dagaalanka Musuqmaasuqa.

Guddigan ayaa la filayaa inay dar-dar geliyaan la dagaalanka musuqmaasuqa oo qeyb weyn ka ah maamul wanaaga aan in muddo ah soo wadnay, si loo ilaaliyo hantida qaranka, isla markaana faa’iidooyin badan ku soo kordhi naya dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, iyo xasilinta dalka.

Maamul wanaaga ayaa waaa ka mid ah hannaan hufnaan ku dheehantahay (Transparency),isla xisaabtan Accountability iyo inaan la nimaadno herka ugu sareeya ee dhowrsanaanta (integrity).Guddigan waxaa laga rabaa inuu wacyigelin badan u sameeyo shacabka oo looga digo musuqmaasuqa oo runtii dib-u-dhac u keena bulshadii aan la dagaalin.

Guddigan waxaa laga dalbanayaa inay horumarin ku sameeyaan shuruucda la dagaalanka musuqmaasuqa, soona dhameystiraan aasaasida Hay’ad Madaxbannaan muddo 60 cisho ah, si loo sharciyeeyo hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa.

Guddigan waxey ku soo tooseen xilli wanaagsan oo Dowladdu ay ku howlantahay maamul wanaag, horumar ballaaranna ka sameysey dhankaas iyo iyadoo ay Wasaaradda Maaliyaddu ku howlantahay dhaqangelinta ururinta canshuuraha.

1. Shamso Ibraahim Maxamud

2. Najma Jaamac

3. Cabdirizaaq Nuux Xasan

4. Khadra Maxamed Ciise

5. Maxamed Barre Kuusow

6. Suleymaan Yuusf Cilmi

7. Xuseen Qaasim Yuusuf

8. Ibraahim Macallin Xuseen

9. Haadi Cumar Cabdullahi.

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
 Mogadishu, Somalia
 

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online