Guddoomiyaha gobolka Bari oo sheegay in ay degmooyin u dhisi doonaa golayaal degaan

January 12, 2012 - Written by

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxmed Gallan ayaa waxaa uu saxaafada ka howl gasha magaalada Boosaaso a uu uga warbixiyey wax qabadkiisii ilaa intii uu hayey xilka , Guddoomiyaha ayaa waxaa uu xusay in ay ku guulaysteen in golaha degaanka  u sameeyaan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxmed Gallan  ayaa sheegay in maamulkiisu ay dadaal dheer ay u galeen in ay degaanada ku xeeran Boosaaso loo dhiso golayaashii deegaanka waxaan uu xusay in dhawaan  ay qorshaynayaan in si dhaqso ah loo shaaciyo xubnihii Golaha degaanka Qandala iyo Isku-shuban.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxmed Gallan ayaa sheegay in ay doonayaan in xubnaha noqonaya Golayaasha degaanka lagu soo xuli doono aqoon iyo karti in ay u leeyihin howsha loo egmaday, Guddoomiyaha ayaa xusay in dhawaan ay
ay safar ugu bixi doonaa degmooyinka Carmo, Bali-dhidin, Ufayn, Baargaal, Caluula, iyo Gumbax si loo soo dhiso ama loo tayeeyo golayaasha degaanka ee dgmooyinkaas.

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa hadda xaaladeeda amaan ay aad u fiican tahay ilaa iyo intii ay koox dhagar qabayaal ah ay ku dilee Sh Dr Axmed Xaaji , kooxdii dilka u geystay Shiikha iyo weliba kuwii la soo abaabulay ayaa alle fadligiis  gacanta lagu hayaa sidda Wasiirka amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciise mudan uu saxaafada u sheegay.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Aad ayaan u soo dhowaynayaa Guddoomiyaha fikirkiisa ku aadan in Magaalada BOOSAASO loo dhiso goloyaal degaan. Sida aan la socono muddo qarniyaal ah magaalada BOOSAASO waxa ay caan ku ahayd inay degaan qoysas badan oo ah kuwo u dhashay degaanka kuna leh dhiig iyo dheecan mid dhalyo iyo mid degaanba waxaase soo if baxaysay waayahan dambe in dadkii u dhashay degaanka la riixayo lana ogolayn inay ka mid noqdaan tirada golaha degaamada. Hadaan si hufan daboolka uga qaado qoyska reer MAKAMME oo degaanka caanka ku ah deganna muddo qarniyaal waa la hareer mariyay kursigii ay ku lahaayeen degaanka ay u dhasheen waana runtii mid mustaxiil ah waxaan jeclaan lahaa guddida HALGAN.NET ay gaarsiiyaan guddoomiyaha gobolka bari mudane CABDISAMED MAXAMED GALAN in uusan ka indha laaban khaldaadkaas jira isla markaasna qoyska reer makamme oo ah dad u dhashay degaanka waxan la qaba walaalhood oo iyaguna u dhashay degaanka in qorshahooda aan la xaqirin taladana lagu daro degaanka. Gacmo wada jira bay galladi ka dhalataa waana mid diinayan ah. Aniga oo u dhashay beesha reer makamme ahna aqoonyahan ku nool dalka INGRIISKA waxaan ku hamiyayna inaan wax u qabano PUNTLAND kuna dadaalno horumarkeeda iyo aayaheeda jecelna mustaqbalka inaan kenno Mashaariic anfacaya degaamada PUNTLAND. Ma arko wax kale oo aan ahayn midnimo WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HARO. Dhamaan degaaamadeenna dadka u dhashay ama ha yaraadeen ama ha bateen waa inaynu cisaynaa qorshaha horumarkana lagu daraa waa cadaalad iyo wax wada qabsi. Hadaba waxaan u jeedin lahaa guddoomiyaha iyo dhamaan bulshada reer PUNTLAND FAIRNESS and EQUITY waa midda keliya oo aynu ku gaari karno horumar iyo barwaaqo.

    MAY GOD BLESS SOMALIYA AND PUNTLAND.

Leave a comment

*