Faarax Macalin oo taageeray in xilka laga qaado Shariif Xasan Sheekh Aden

January 7, 2012 - Written by

Jabuuti:-G/K Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa sheegay inuu taageersan yahay xilka qaadisti ay xidlhibaanno ku sameeyeen guddoomiye Shariif.Faarax Macalin oo uu wareystay weriyaha VOA Djibouti Ramadan Muuse, ayaa sheegay in baarlamaanku yahay hay’adda ugu sareysa ugna awoodda badan isla markaana go’aan kasta oo uu gaadho ay tahay in la fuliyo.

Faarax Macalin wuxuu sidoo kale si weyn u canbaareeyey ergayga gaarka ah ee QM ee Soomaaliya Augutine Mahiga oo uu sheegay inuusan lahayn awood uu uga hadlo ama ku canbaareeyo khilaafka ka dhex-taagan baarlamaanka Soomaaliya.

Faarax Macalin ayaa Djibouti uga qeybgalaya shir ay leeyihiin baarlamaannada urur goboleedka IGAD.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka Djibouti ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay xal ka gaaraan khilaafka ka dhexjira.

Qeybtan hoose ka dhageyso warbixin ka hadlaya kulanka Djibouti uga furmay baarlamaannada IGAD iyo hadalka Faarax Macalin.

VOA

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online