Jaamacada Bariga Afrika oo furtay Machad loogu magac daray Marxuun Sh.Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan

January 20, 2012 - Written by

Garoowe:-Xaflada si weyn loo soo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaana ka soo qeyb galay Masuuliin ka tirsan dowllada Puntland , Isimo waxgarad iyo culuma udiin xaflada ayaa waxaa soo agaasimay Jaamacada Bariga Afrika qaybteed magaalada Garoowe .

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah Madaxa  jaamacada Bariga Africa faraceeda Garoowe ayaa sheegay in xaflada loo qabtay si Machad ay furtay Jaamacada Bariga Afrika loogu magacaabo allaha u naxriistee Sh.Dr Ahmed Xaji C/raxmaan oo ay dileen kooxda amniyaadka ee ururka Al-shabaab sida ay cadeeyeen beesha Shiikhu uu ka dhashay iyo culimada ku nool degaamada Puntlland.

Agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada waxbarashad ee Puntland C/laahi Cali Jaamaca {Dhubad} ayaa waxaa uu ka hadlay xaflada waxaana uu aad ugu mahad celiyey madaxada Jaamacada bariga Afrika waxaana uu sheegay  in machadkaani uu ku soo beegmay xilli wanaagsan.

Wasiiru dowlaha maamul wanaaga ee Puntland Maxamed Faraax Ciise {Gaashaan} ayaa xariga ka jaray Machadka Cusub ee loogu magac daray Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in machadka uu horey u sii wado aqoontii iyo waxbarashadii uu ka dhintay Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan raximahulaah.Jaamacada bariga Afrika ayaa waxay faracyo badan ku leedahay inta badan deegaanada Puntland waxaana jaamacadaas dhidibada loo aasay 1999kii .

M_M Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Ilaahay ha unaxariisto aniga oo Aan Arag baan ilaahay dartiis ujeclaa dr ahmed haji Abdirahman waxaan xusuustaa habeen aniga iyo nin walaalaha kamid ah ayaa telefoon kulahadalnay wixii aanu ugabaahnayn xataa hadal nugumasoocelin wuu noo dhameeyay

  2. Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay machadkan dr ka loogu magacdaray. Ilaahay drka ha u naxariistee.

Leave a comment

*