Koox hubeysan oo Yemeniyiin ah oo Afduub u keystay 6 gabdhood oo Soomaali ah

January 9, 2012 - Written by

Yemen:-Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen ayaa sheegaya in hal ruux uu ku dhintay 3 kalana ay dhaawacmeen ka dib markii ay koox hubeysan oo Yemeniyiin ah ay weerar ku soo qaadeen qoxooti Soomaali ah oo tahriib ahaan ku soo gaaray xeebaha dalka Yemen tahriibayaasha ayaa waxay ka soo dageen Xeebaha Koonfureed ee dalka Yemen.

Kooxda Hubeysan ee Yemeniyiinta ah ayaa horey u kaxeystay lix gabdhood oo Soomaali ah waxayna dhaawaceen ilaa 3 dhalinyaro ah oo isku dayey in ay difaacaan gabdhaha la afduubka loo kaxeystay.

Xuseen Xaaji Axmed oo ah ku xigeenka qunsulka Soomaalida ee Yemen oo la hadlayay VOA-da ayaa waxaa ka waramaya xaalada murugeysay ee qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen.

Mid ka mid ah Macalimiinta wax ka dhiga dalka Yemen oo la soo xiriiray Halgan.net  ayaa sheegay in xaalada qoxootiga ee Soomaaliyeed uu marayo meel aad u xun oo gabdho badan xoog lagu kaxeystay qaarna loo heysto madax furasho iyo lacag aad u tiro badan.

Soomaalida ayaa waxay noqotay dadka u nasiib daran dunida ilaa intii ay gacantooda ku dumiyeen dowladii Dhexe ee uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Bare .Madaxada DFKM ee uu hogaanka u hayo Shariif Sheekh Ahmed ayaan ilaa haatan waxba ka oran xasuuqa lagu hayo Soomaalida ku dhaaqan dalka South Afrika ,Liibiya iyo Yemen.

Cabdi Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online