Maamulka Bangiga Dhexe ee Puntland oo gubay maanta lacag been abuur ah oo la soo galiyey Boosaaso.

January 5, 2012 - Written by

Boosaaso:-Maamulka Bangiga Dhexe  ee  Puntland ayaa maanta waxaa uu ku gubay lacag  faalso ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari lacagta ayaa waxaa suuqa soo galiyey qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Boosaaso waxaana qabtay ciidamada amaanka oo kaashanaya Bangiga Dhexe  ee Puntland .

Lacagta  Saaka dabka la qabadsiiyey ayaa waxaa ay gaareysay oo gaaraysa 14  milyan oo Shilin Soomaali ah sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha guud ee bankiga Puntland  Xirsi Maxamed Jaamac  waxaa kale oo goobta ku sugnaa  maareeyaha bankiga Puntland qaybtiisa  gobalka Bari.Lacagta ayaa waxay ahayd  kun shilin iyo shan boqol oo Shilin Sooomaali ah iyada oo la tusay saxaafada ka howlgasha gobalka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso .

Maareeyaha waaxda bankiga Puntland ee gobolka Bari Muuse Aw Xuseen ayaa isaguna dhankiisa sheegay lacagahan been abuurka in la doonayo in bulshada  lagu dhibaateeyo wuxuuna sheegay in lacagta ay ka timid  koonfurta dalka Soomaaliya.

Maamulka Gobalka Mudug ayaa shalay qabtay lacag been abuur ah oo la soo galiyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug isaga oo uga digay dadweynaha iyo gancsatada magaalada gaalkacyo in ay isticmaalaan lacagta been abuurka ah.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online