Maamulka iyo Shaqaalaha Halgan.net oo tacsi u diray dhamaan eheladii Macalin Daahir Aweys

January 25, 2012 - Written by

Afgooye:Inaalillaahi  waa inaa ileyhi Raajicuun waxaa caawa deegaanka Ceelasha  Biyaha ku geeriyooday  allaha u naxriistee Shiikh Macalin Daahir Aweys oo ahaa macalin iyo Sheekh weyn oo si wey looga yaqaan gobalka Gal-gaduud iyo Soomaaliya waxaana uu ahaa macalin aad u soo baray Quraanka arday aad u tiro badan waxaana uu dhalay marxuumka Shiikh Dr.Axmed Daahir Aweys iyo Sheekh Xassan Daahir Aweys ,  oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed.

Sh.Daahir  Aweys ayaa baryahaan danbe aad u xanuunsanaa waxaana alle uga baryeynaa in uu janadii fardowsa ka waraabiyo Maamulka iyo howl-wadeenada Halgan.net ayaa si gaar ah waxay tacsi ugu dirayaan dhamaan qaraabada iyo eheladii uu ka geeri yooday  Shiikh Daahir  Aweys gaar ahaan waxaan tacsi u direynaa si khaas ah Sheekh Xassan Daahir aweys iyo Sheekh Dr.Axmed Daahir Aweys iyo dhamaan Eheladii reer Daahir Aweys.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa si gaar ah uga waramay Halgan.net mar ay ka wareysatay taariikh nololeedkiisii iyo sida uu aabihiis ugu soo tiir iyo tacabo beelay iyo dagaaladii lala galay ciidanka dalka itoobiya 1977 waxaana wareysigaas ka qaaday wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho Cabduqaadir Cismaan xiligaas oo ay midowgii maxkamadaha islaamiga  ay ka tali nayeen magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

9 Comments so far

Leave a comment

  1. Asc waxan tacsi tiranyo leh udirayaa dhaman qarbadi uu kageriyoday macalin dahir aways gar ahan waxan tacsi udir dr axmed oo ku nol magala xebedka mombasa

  2. إنا لله وإنا اليه راجعونwaxan tacsi udiranyaa ihladii uu kageriyoday malacalin dahir aweys gar ahan sh xasan dahir iyo dr axmed dahir aways

  3. Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Ilaaheey ha u naxariisto Macalin Daahir sabar iyo iimaan ha ka siiyo dhamaan eheladii u ka tagay janadii fardowsana laha ka waraabiyo aaaaaaaamiin

  4. Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Ilaaheey waxaan uga baryayaa in Macalin Daahir uu ku anfaco Qu,aankii uu ardayda soo baray alena uu janatul fardoow ku arzaqo aaaaaaaaaaaammiin

  5. Salaamu Calaykum

    Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Ilaaheey janada ha geeyo macalin Daahir aweys aaamiin

  6. Salaamu Calaykum
    Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Ilaaheey waxaan alle uga baryayaa Sheekh Macalin Daahir in alle janadii ka waraabiyo ehelkiisana samar ka siiyo aaaaaaaaaaaaaaaaamiin

  7. asalamu caalykum
    waxaan ilahay ooga baryi inuu ilaahay ku abaal mariyo janadiisa Mucalim Daahir Awys,sabarna uu kasiiyo dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka,geeriyooday aamiin

  8. Illaahay ha u naxariiso Macalin, eheladii iyo qaraabadii uu geeriyoodayna sabir iyo silwaan Illaahay ha ku arzaaqo.

  9. Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Ilaaheey waxaan uga baryaa marxuumka inuu ku abaal mariyo janooyinkiisa una dambi dhaafo, su’aasha qabrina u yasiro. Waxaan u tacsiyeeynaa dhamaan caruurtiisa meel walbo ey dunida ka joogaan.

Leave a comment

*