Madaxweyna DFKM Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho

January 1, 2012 - Written by

Muqdisho:-MadaxweynaDFKM Shariif Sh. Axmed ayaa goor dhowayd ku qabtay xarunta Madax tooyada shir jaraa’id oo uu uga hadlay arrimo tiro badan kuwaas oo ay ugu horeeyaan dagaalada ka dhacay magaalada B/weyne iyo go,aankii qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka DFKM ay  xilka uga qaadeen  Shariif Xasan Shiikh Aaden.

Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sh Ahmed ayaa soo dhoweeyey  qabsashadii magaalada B/weyne isaga oo ku tilmaamay guul u soo hoyatay DFKM. Madaxweynaha DFKM ayaa ka hadlay Khilaafka  Baarlamaanka iyo go’aankii ay gaareen qaar ka mid xildhibaanada  iyaga oo xilka ka xayuubiyey Guiddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aaden.Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay waxba kama jiraan  go’aankii xilka looga qaaday gudoomiyaha wuxuuna ku sheegay mid sharci daro ah.

Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif Sh Axmed ayaa yiri “Arrinta Baarlamaanka aniga waxaan u sheegay Xildhiabanadii waday in ay u gudbiyaan maxkamadda sare si ay go’aan uga gaarto, hase yeeshee way diideen  kale waxaan ognahay in dad aan ka tirsanayn mudanayaasha Baarlamanaka ay maalintaasi hoolka tageen ayna codeeyeen, sidaasi darteed go’aankaasi waxba kama jiraan”

Madaxweynaha DFKM ayaa cod Dheer ku sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka DFKM uu yahay Shariif Xasan Sheekh Aden go,aankii xildhibaanada qaarkoodna uu yahay mid sharci daro ah.

Warar hoose oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in madaxada DFKM ay qorsheynayso in ay kala diraan dhamaan golaha baarlamaanka DFKM si loo ansixiyo go,aamadii ka soo baxay shirkii wadatashiga ee lagu qabatay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

A/Cawale
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Soomaaliya waligeed kabiximayso isqabqabsi midakale wadar iyo waaxid keeba waalal ssarifka mawaxwayne weeye baarlamaanku iyagaa doortay marka kalsoonida xubnaha baarlamanka ayuu meesha ku jooga haddii baaarlamaanka lakala diro isagu markaa kalsoonidee ayuu ku fadhiyaa kursiga mida kale sharif xasan xilkii waaa laga qaaday kursiga malaha isagu waxaa dambi ahayd in loo dhiibo madaxwaye sharir ayaa qaska wada halayska qabto markuu leeyahay shiriif xasan baa wali gudoomiyaa iyo baarlamaanka waa lakala diraya yuu gudoomiye u yahay markaa

  2. Shariifow haku ciyaarin fursada oo marka hore dir sharif xasan marka xigana mudanyaasha. hadii kale marka uu ku cidleysto mudanyaasha kaa celin jirayna ay meesha ka baxeen annaga (shacabka) waa kugu qosli doonaa………….

  3. Xildhibaanada Badankooda dhib ay ku hayeen Soomalida ee Alle shartooda haka qabto dadweenaha Somalia.
    Kuwa ka fican oo danta Somalia dacad u ah Alle ha noo sahlo Insha Allah. Kuwa fican waa ku jiran lakin badan kooda Musharkooda bay fiirsan hayan.

Leave a comment

*