Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Faroole oo gaaray Dubai.

January 20, 2012 - Written by

Dubai:-Waxaa xalay abaarihii 8 dii fiidnimo ka soo degey Dubai International airport madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh M.M. Farole iyo wafdti ballaaran oo uu hogaaminayey, waxana si aan hore loo arag loona maqal usoo dhaweeyey jaalliyada reer Puntland ee ku dhaqan Isutagga imaaradka carabta.

Madaxweynaha oo ay wejigiisa ka muuqatey farxad ayaa isaga oo dhoola caddaynaya mid mid u gacan qaaday una mahadceliyey dad fara badan oo safnaa gudaha iyo dibadda airporka , sidoo kalena Jaalliyadda oo ku faraxsan soo dhaweynta madaxweynaha ayaa ugu hambalyeynayey guulaha xagga horumarka iyo siyaasadda ee madaxweynaha iyo maamulkiisu ku tillaabsaday dhawaanahan .

Madaxweynaha dowllada Puntllad Dr C/raxmaan Faroole oo ay safarkiisa ku weheliyeen xubna ka tirsan xukuumaddisa oo ay mid yihin wasiirka arrimaha gudaha iyo horumarinta reer miyiga iyo dawladaha hoose Gen. C/laahi axmed jamac (Ilkajiir) iyo agaasimaha madaxa bannaan ee Hay’adda Petrolka iyo macdanta Puntland Dr. Ciise Dhoollawaa iyo saraakiil ka tirsan madax tooyada Puntland , sidoo kale waxa ka mid ahaa Waftiga madaxweynaha murwada koowaad ee Puntland marwo Amina Abiib (Xaaska Madaxweynah). Waxaana loo sii galbiyey Hotel Crown Plaza oo ku yaal meelaha ugu caansan Magaalada dubai ( Jumaira) halkaas oo la filayo inuu madaxweynuhu kula kulmi doono shirkado ajnabi ah oo gacan weyn ka geysan doona horumarinta Puntland iyo weliba saraakiil sar sare oo ka tirsan dawladda Imaaraadka.

Safarka Madaxwayne Faroole ayaa waxuu salka ku hayaa sidii loo horumarin lahaa siyaasada,horumarka arrimaha bulshada xoojinta amaanka,sare uqaadida sidii looga guulgari laha qayradka dabiicga ah.

Ciiro Axmed Hassan
Halgan.net, Dubia

 

 

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online