Mutamarkii 8aad dhalinyarada ee magaalada Lewiston oo si heersare u soo gabagaboobay (Sawiro)

January 2, 2012 - Written by

Lewiston:-Waxaa habeenkii Axadda Dec 25, 2011 soo gabagaboobay mu’tamarkii dhalinyarada ee Nus-Sanad laha ah ee waqooyiga America. Mu’tamarka oo galay markii 8aad ee la qabto ayaa dhacay Dec 23-25, 2011 kaas oo ay kasoo qayb galeen dadwayne aad u tiro badnaa oo isaga kala yimid gobalka Maine gudihiisa iyo gobalada kale ee Maraykanka. Mu’tamarka waxaa iyaguna ka qayb galay culimada Majliska Imaamyada ee waqooyiga America oo ay horkacayeen Sh. Abdirahman Sh. Cumar, Sh. Mohamed Idiris iyo weliba Sh. Abdullahi Ibrahim.

Mu’tamarka dhalintarada oo sanadkii 2 jeer laqabto ayaa ku furmay isagoo xiisa wayn loo qabo lana sugi la’yahay madaama ay magaalada Lewiston sanadkii 2009kii marti galisay xiisa kale u qabtay inay markale mu’tamarka dhalinyarada martigaliso.

Waxaa mutamarka kasoo qayb galay dhalinyaro kasocotay magaalooyinka Nashville TN, Boston MA, Columbus OH, Seatle WA, Portland ME, iyo Minneapolis MN: kuwaas oo mu’tamarka si aad ah uga fa’idaystay nashaadkii iyo khayrkii sida isdaba jooga ah uga muuqday iyo arrimaha ka socday Hallka Shirarka ee magaalada Lewiston-na waxa uu ahaa mid aan lagu soo koobi karin hal qoraal. Waxaa intaas dheer in dhalinyarada Nashville, Boston iyo Lewiston ay ku tartameen Kutubta kala ah; Kawakib Al-Durriyah oo naxwe ah, Rawdatul Al-anwaar oo siirada nebiga ah (scw), Tafsiirka Qur’aanka Juzka 2aad, Arbiciinka iyo tartan gaar ahaa oo Qur’aanka Kariimka ah.

no images were found

Waxaa goobta kadhacay wacdaro aan lasoo koobikarin ayadoo si aad iyo aad loogu riyaaqo layskugu guuray. Sidaas daraadeed, arrinku waxa uu ahaa weerar iyo weerar-celis. Haddaba, waxaa marnaba laliicin waayey kooxda metelaysay magaalada Nashville ee Masjid Al- Faaruuq. Waxayna ku guulaysteen Naxwihii iyo Qur’aankii, waxayna bareejo la galeen Boston oo ay qolo walba dhibcihii loo baahnaa oo buuxa ka heshay Siiradii, waxaana Nashville laga badiyey Arbiciinka oo ay Boston ku guulaysatay. Kooxda Boston ee Masjid Altaqwa ayaa iyaguna aad u dedaalay oo ku dhamaystay tartankii kaalinta 2aad, Arbiciinka ayey guul kasoo hooyeen, Siiradana bareejo ayey galeen. Dhalinyarada Lewiston ee Masjid Al-Nuur oo mu’tamarka marti galinayey ayaa iyaguna kaalinta 3aad ku dhamaystay kutubtii lagu tartamay.

Dhalinyarada Nashville ee Masjid Al-Faaruuq ayaa waxay tartamada dhalinyarada ee Maraakizta 3 jeer oo isku xigxiga ku guulaysateen December 2010, July 2011 iyo December 2011. Masha’Allah. Ilaahay dhalinyaradaas ha barakeeyo waxaana dhalinyaradaas sida heerka sare ah iskugu soo duba riday Imaamka Masjidka Alfaaruuq Sheekh Abdirahman Yusuf, Ilaahay ha xifdiyo ajar aan lakoobi karinna Allah ha ugu badalo dadaalka uu galiyey da’yarta soo koraysa, Ilaahaw Aamiin.
Dhinaca kalena, waxaa muxaadaroyin Qayyim ahaa kasoo jeediyey mu’tamarka culimadeena oo kale ah:-

Sh. Mohamed Idiris

Sh. Abdirahman Sh Cumar

Sh.Abdullahi Ibrahim

Sh. Abdirahman Yusuf

Sh. Bare Ibrahim

Sh. Yusuf Abdulle

Sh. Mohamud Garyare

iyo Bro. Yusha Evans
Insha’Allah muxaadaroyinkii culimada oo maqal iyo muuqaal ah waan soo gudbin doonaa sida ugu dhakhsaha badan ee gudiga farsamadu ay usoo saaraan.
Waxaa sidoo kale mu’tamarka ka hareer socday kulammo ay lahaayeen dhalinyarada kala duwan iyo golaha Majliska Imaamyada. Kulamada ayaa waxaa lagu dhisay nidaam lagu hormarinayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran Masaajida iyo kuwa aan ku xirnaynba. Kulamadaan ayaa soconayey saddexdii beri ee m’utamarku socdayba ayadoo lagu falaanqeeyey hababka hormarineed ee mu’tamaraadka dhalinyarada ee sanadkiiba labo jeer dhaca.

Wadatashi badan kadib, waxaa laysku afgartay in lasameeyo gudi joogta ah iyo gudi fulineed. gudiga fulinta ayaa waxaa loo doortay:-

Abdirazak Hashi of Columbus OH, President

Hussein Mohamed Seattle WA, Vice president

Yusuf Ahmed Minneapolis MN, Seceratry

Abdulkadir Hassan Boston MA,Treasury/ Outreach
Waxaa sidoo kale shirka kasoo baxay in m’utamarka dhalinyarada lagadhigo mid sanadle ah laga bilaabo July 2012 iyo ingoballada dhexe ee maraykanka sida Ohio iyo Tennessee lagu qaban doono mu’tamarka sanad walba si ay kasoo qayb galayaasha ay ugu fududaato. Waxaa intaas dheer,in m’utamarka soo socda ee July 2012 lagu qabanayo Columbus Ohio uuna marti galin doono Markazka weyn ee Masjid Ibnu- Taymiyah.
Gabagabadii m’utamarka ayaa sh. Abdirahman sh. Cumar, Sh. Mohamed Idiris iyo Sh. Abdullahi Ibrahim ay ku bixiyeen abaal gudyadii tartamada kutubta dhalintarada, waxaana isla socday Takbiir iyo Farxad ka imaanaysay dhamaan kasoo qayb-galayaashii m’utamarka iyo ardaydii tartamaysayba.
Gunaanadkii ayaa waxaa ducooyin daqiiqado socday kusoo xiray mu’tamarka Sh. Mohamed Idiris Xafidahullaah.

NB:Waxaan si aad ah uga cudur daaranaynaa Shaqadii ahayd In aan mu’tamarka usoo baahin doono si toos ah ay noo suuroobi wayday sababo farsamo dartood. Runahaantiina aad ayaan uga xunnahay arintaas walaalahana dhamaan waxaan waydiisanaynaa in arinkaas aad naga saamaxdaan. Cilladuna waa mid aan garanay balse fasaxa jira daradeed noogu suura gali wayday. Allah macakum. Assalaamu Calaykum Waraxmatullah…

1 Comment so far

Leave a comment

  1. masha allah waaye dadkii soo diyaariyey alle kheyr hasiiyo..

Leave a comment

*