Nabadoon Caaqil Suulay oo lagu dilay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

January 11, 2012 - Written by

Ceelwaaq:-Askari ka tirsan ciidanka DFKM ee gobolka Gedo ayaa saaka wxaa uu ku dilay degmada Ceel-waaq mid ka mid ah nabadoon caan ka ahaa degmada Ceelwaaq, askarigaan ayaa waxaa uu dood ama muran dhexmaraya Nabadoon ka waxaan ka dib la arkay askariga oo si bareer ah u toogtay oday gaan Nabadoonka ah. Nabadoonka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Caaqil Suulay, warar hordhaca oo ka soo baxay dilkiisa ayaa sheegay in askariga dilka ku kacay oo ku hubaysnaa qoriga AK-47 uu nabadoonka uu u dilay aano qabiil.

Ciidanka DFKM ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhiogaan askariga dilka u geystay Nabadoon Caaqil Suulay  waxaan ay ku xireen saldhiga Booliska ee degmada Ceelwaaq.Sarkaal u hadalay ciidanka DFKM aya saxaafada u sheegay in askariga dilka geystay ay dhawaan soo taagi doonaa Maxkamada sharciga lagu qaadi doono.

Waxgaradka ku nool Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gado ayaa aad uga xumaaday dilka Nabadoon Caaqil Suulay , dilka Nabadoonla ayaa ku soo beegmay xili ciidanka DFKM ay la wareegeen degmada Ceelwaaq bil ka hor iyadoo ilaa intii ay ururka Al-shabaab ay gacamta ku hayeen degmada Ceelwaaq aan wax Nabadoonn ah lagu dilin magaalada.

A/cawaale
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. to:xasan

    Weriyayaasha halgan qaar ka mid ahi wexey si too ah oo aan gabbasho lahayn ugu jiibiyaan alshabaab.

  2. walaale ilaahay khayr haku siiyee halgan waa dad ahlu towxiid ah, dhaaquudka iyo kufriga iyo bakhtiga iyo dullinmada midna uma ololeeyaan. ciidanka muslimiintu hadday dad laayeen sidaas ayay umadu ku rabtaa kuna qanacsantahay ee adi umada wax fiican ula imow haku jeclaatee, 6bil ka hor hadii ceelwaaq laqabsan lahaa isbaaro iyo dil iyo dhac iyo kufsi iyo thulmi ayaa lagu arki lahaa intaasna lagama soo sheegin.

  3. horta ceel waaq bil ka hor lama qabsan ee waxaa la qabsaday 6 bil ka hor mida labaad, maxaa idinku dhacay halgan hadaad tihiin, waxaad tiraahdeen(intii ay ururka Al-shabaab ay gacamta ku hayeen degmada Ceelwaaq aan wax Nabadoonn ah lagu dilin magaalada) warkaas sax ma ahan, maxaa yelay intii shabaab ay joogeen dad badan ayaa ceel waaq lagu dilay, dib u baara

    shukarn

Leave a comment

*