Nadwo xalay ka dhacday Boosaaso oo loogu hadlay Maqaasida Shareecada(Dhagayso)
January 6, 2012 - Written byBoosaaso:-Waxaa xalay si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari gaar ahaan Masjidka Al-Rowada nadwo diini ah taas oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u tiro badan iyo culuma,udiin si weyn looga qadariyo soomaaliya iyo Puntland waxaana xalay muxaadaradii koowaad galay xalay Shiikh C/qaadir Nuur Faarax iyo Shiikh Fu.aad Max’uud Xaaji Nuur
Sh.C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu uga hadlay muxaadaradiisa Maqaasid al-Shareeca iyo Al-shabaab sida ay u khilaafeen Sheekh C/qaadir ayaa aad ugu dheeraaday in Shareecada Islaamka ay ilaalisay Nafta ,Maalka ,Cirdiga .Sheekha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay wado u noqdeen in cadwga Soomaaliya ay soo galaan dalka ka dib fudayd badan ay sameeyeen Al-Shabaab.
Shiikh C/qaadir Nuur Faarax ayaa ka hadlay sida beenta iyo cirdhiga loo sahladay iyo been abuur badan oo laga sameeyey dilkii Dr Ahmed xaji C/raxmaan oo uu sheekh Xasaan Xusen uu sheegay in loo dilay arimo qoys ka dib markii uu kala xukmiyey laba qoys taas oo xaqiiqada ka fog .
Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha xifdiyee
[audio:http://www.qardhaawi.com/audio/dawro/boosaaso2012/maqasidusharecaWashabaabShcqadir.mp3]SheekhFu’aad Max’uud Xaaji Nuur ayaa isna ka hadlay marxaladihii ay soo martay saxwada Islaamka iyo maanta meesha ay mareyso iyada oo alle fadligiis uu tawxiidka iyo xijaabka uu gaaray meel walba .Sheekh Fu,aad ayaa sheegay in culumadii saxwa soo waday oo ku cireystay sida Sheekh C/qaadir nuur Faarax iyo Sheekh Cali Warsame ay rag aan la aqoon maanta ku hayaan waa culuma xun waa kuwo gaalo raacyo ah.
Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Sh Fu.aad Xaaji Nuur Allaha xifdiyee
[audio:http://www.qardhaawi.com/audio/dawro/boosaaso2012/xifdigaDiintaShfuaad.mp3]Waxaa Nadwada ka qeyb gali doono culumada kala ah.
1-Sheekh C/qaadir Nuur Faarax
2-Sheekh Daahir aw Cabdi
3-Sheekh Fu,aad Maxamed Nuur
4-Sheekh Ahmed Daahir
5-Sheekh Maxamed Macalin
6-Sheekh Ahmed Cabdi Samed
M_M Deeq
Halgan.net

.gif)

