Puntlland oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn

January 17, 2012 - Written by

Garoowe:-War-saxaafadeed maanta ka soo baxay  xafiiska madaxtooyada ee dowllada Puntland ayaa markii ugu horaysay waxaa looga hadlay ama eedeyn loogu jeediyey maamulka S/lland oo lagu eedeeyey in dagaalkii ka dhacay magaalada Buuhoolde bishaan 15 -keedii ay iyagu lahaayeen weerarka.

Warsaxaafadeédka oo ku qornaa Af-ingiriiska oo soo gaaray Halgan.net ayaa waxaa ay dowllada Puntlland ku xuseen in dagaalkii ka dhacay degmada Buuhoodle ay ku dhaawacmeen dad rayid ah ayna ku burbureen  hanti ay lahaayeeen dad shacab ah.

Dowllada Puntlland ayaa sheegtay in ay iyagu taageersan yihiin midnimada dalka Soomaaliya ayna ka soo horjeedaan in dalka Soomaaliya uu kala go,o waxaan kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in wixii khilaaf ah oo yimaado lagu dhameeyo wada hadal arrintaas oo ay yiraahdeen in dowllada S/lland ay ka soo horjeedo.

War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland ayaa ugu danbeyntii waxaa tacsi loogu diray dadkii rayidka ahaa ee ku dhaawacmay hantidoodana ay ku burburtay dagaalkii ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn, ma ah markii ugu horaysay oo dowllada Puntlland iyo madaxdeedu ay wax saxaafadeed ka soo saaraan dagaal ka dhacay Buuhoodle ama laascaanood ayna eeda dusha u saaraan dowllada S/lland.

Halkaan ka Akhri Warsaxaafadeedka ay Puntland soo saartay

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online