Qarax lala beegsaday ciidanka DFKM ee ku sugan degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo

January 25, 2012 - Written by

Beled-xaawo:-Waxaa maanta qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa DFKM xili ay dhexmarayeen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, qarax ayaa warar ka soo baxaya ay sheegayaan in ay ku dhaawacmeen ciidamo ka titrsan DFKM oo qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen.

Goob jooge ku sugan degmada Beledxaawo oo saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu arkay ilaa 2-bo askari oo dhaawac ah oo loo qaadayo xarun caafimaad oo ku taal degmada Beled-xaawo , ciidankla DFKM ee la weeraray ayaa waxaa ay wateen gaari Cabdi Bile ah iyagoo qarax miinada ka dib riday rasaas fara badan.

Ilaa hadda ma jiraan Masuul ka tirsan ciidanka DFKM ee ku sugan Gobolka Gedo oo ka hadlay weerarka saaka lagu qaaday ciidankooda , ilaa iyo intii ay ciidanka DFKM oo gacan ka hellaya kuwa Kenya ay qabsadeen degaano ka mid ah Gobolka Gedo iyo Jubadda Hoose ayaa diyaaradah dalka Kenya waxaa ay duqeeyeen degaano ka tirsan Gobolka Gedo iyo Gobolka Jubadda Hoose waxaan ay dileen dad rayid ah oo aan qayb ka ahayn dagaalka socda.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online