Qarax saaka lagu weeraray Xarunta maamulka Gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyn

January 24, 2012 - Written by

Hiiraan:- Waxaa saaka qarax naftii hurnimo ah lala eegtay bar koontrool oo ku taal agagaarka xarunta Gobol ka Hiiraan ee magaalada Beledweyn iyadoo qarax laga maqlay gudaha magaalada , qarax ayaa ahaa gaari nooca loo yaqaan Hoomey oo laga soo buuxiyey walxa qarxa uuna waday nin dhalinyaro ah.

Qarax saaka ayaa waxaa la sheegayaa in khasaaro uu ka soo gaaray ciidanka Itoobiya iyo kuwa Soomaali ah oo ku sugnaa goobta qarax lagu weeraray ,qaraxa ayaa sidoo kale wariyaashu ay soo tabinayaan in ay adag tahay in wax faahfaahin buuxda laga hello maadaama ay ciidanka Itoobiya ay bandow saareen magaalada Beledweyne xiliga qaraxu uu dhacay ka dib.

Masuuliyin ka tirsan DFKM oo uu hogaaminayo Wasiirka qorsheynta iyo iskhaashiga caalimga DFKM, Cabdullahi Goodax Barre ayaa saxaafada u sheegay in isaga iyo wafdigii la socday aysan wax ku gaarin qarax saaka isagoo sheegay in qarax saaka markii hore la doonayey in lagu weeraro Hotel ay ku sugnaayeen balse ay ciidanka DFKM ay fashiliyeen ka dibna lagu weeraray bar Kontrol oo ay ciidanka DFKM iyo kuwa Itoobiya ay ku sugnaayeen.

Qarax saaka ayaa waxaa uu burbur xooggan uu gaarsiiyey xaruntii maamulka Gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne oo ah goobta qaraxu meel ku dhow uu ka dhacay, Masuuliyiin u hadlay ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qarax ka dhacay magaalada Beledweyn waxaan uu saxaafada u sheegeen in khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM kana dileen askar fara badan.

Magaalada Beledweyne ayaa gabi ahaan waxaa la saaray bandow waxaan ay ciidanka Itoobiyaanku iyo kuwa DFKM ay bilaabeen in ay sameeyeen howl galo ay ku baadi goobayaan qaabkii loo soo  agaasimaya qarax saaka lagu weeraray xarunta maamulka Gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyn.

Warka qarax Beledweyn oo faah faahsan dib ayaan idin kala soo socod siin doonaa Insha Allaahu.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online