Qolka Somali Islamic Altaqwaa iyo Qolka Addacwah 114 oo tacsi u diraya ehelada Macalin Daahir Aweys
January 26, 2012 - Written byLondon:-Dhamaan culimadda, mas’uuliyiinta, ardayda iyo shacabka Qolka Somali Islamic Altaqwaa Network iyo Qolka Adacwah 114, waxaan halkaan ugu gudbinaynaa umadda soomaaliyeed tacsiyayn geeriddii ku timid Macalin Daahir Aways.Naf walba waa tan maalin dhadhamisa geeridda, waxaan leenahay INAALILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Waxaan tacsidan iyo geeriddan ku timid Macalin Daahir Aways gaadhsiinaynaa caruurtiisii Dr Axmed Daahir Aways iyo Sh Xasan Daahir Aways, gabi ahaanba intuu u ahaa Awoowe iyo qaraabadda iyo ehalkaba. Tacsidan tiiraanyadda leh waxaa ku saxiixan:
Sh Xuseen Sh Cali Xanaafi
Mustafa Maxammed Abu Fowzaan
Maxammed Ibraahim Cawad Abu Axmed iyo dhamaan adminka iyo maamulka 2da qol.Waxaan Allaah swt uga baryaynaa inuu Macalin Daahir Aways ka waraabiyo jannatul firdowsa, eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin.
Maamulka Qolka Altaqwaa iyo Qolka Addacwah 114

.gif)

