Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Cabdiweli Gaas oo la kulmay Wasiirka Difaaca Talyaaniga

January 31, 2012 - Written by

Roma:-Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo beryahan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa waxuu kulan dheer la qaatay Wasiirka Difaaca Talyaaniga H.E. Gianpaolo Di Paola oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii Wasaarada Gaashandhiga ee Talyaaniga ay iskaashi wada shaqo la yeelan laheyd Wasaaradda Gaashandhiga ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha DFKM ayaa warbixin dheer siiyey Wasiirka Difaaca Talyaaniga oo ku aadan horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey soo celinta amniga iyo kala danbeynta, sida Xoreyntii Muqdisho, Jubbooyinka, Gedo iyo Beledweyn, Dadaalka Dowladda ee Qorshaha Xasilinta Amniga Qaranka (NSSP), iyo howlgalka ballaaran ee lagu xoreynayo dhammaan gobolada dalka ee ay Al-Shabaab joogaan.

Wasiirka Difaaca Talyaaniga Gianpaolo Di Paola ayaa si diiran u soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaare Abdiweli una sheegay in Talyaaniga uu si aad iyo aad ah u xiiseynayo arrimaha Soomaaliya diyaarna u yahay inuu saacido. Gianpaolo ayaa ku ammaanay Ra’iisulwasaare Abdiweli horumarka baaxadda leh ee uu ka sameeyey soo celinta amniga, Xiriirka maamula da dalka iyo Dowladda, Dib-u-heshiisiinta, Dastuurka iyo Roadmap ka.

Labada mas’uul waxey isla garteen in Talyaaniga uu Saacido Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, tababaro loo fidiyo ciidanka, in dib loo soo nooleeyo ciidankii Cirka ee Soomaaliya iyo in dib u dhis lagu sameeyo Ciidankii Soomaaliya iyo Qorshaha Xasilinta Amniga Qaranka. Wasiirka Difaaca waxuu sheegay inuu diyaar u yahay in labo guddi ee labada wasaaradood ee gaashandhiga ay ka wada shaqeeyaan xiriirka labada wasaaradood.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online