Ra’iisul Wasaaraha DFKM oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga(Masawiro)

January 31, 2012 - Written by
Roma:-Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ayaa kulan dheer la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga H.E. Giulio Terzi. Kulankan ayey labada mas’uul uga hadleen xiriirka qotada dheer ee labada dal, xaalada dalka Soomaaliya, arrimaha Burcad-badeeda, arrimaha Amniga iyo Shirka London.
Kulanka ka dib ayey labada mas’uul wada qabteen shir-jaraa’id oo ay saxaafadda kula hadleen Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga. Raìiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Talyaaniga sida ay uga go’antahay in la sii xoojiyo xiriirka qotoda dheer iyo u gargaarida shacabka Soomaaliyeed.Labada mas’uul waxey sheegeen inay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah labada dal, ayna rajeynayaan inay sii xoojiyaan xiriirka labada dal.Sidoo kale waxey labada mas’uul sheegeen inay ka wada hadleen shirka London oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sheegay in la rajeynayo in shirkaas uu middeeyo beesha caalamka oo ay u soo jeestaan sidii xal waara loogu heli lahaa Soomaaliya, isla mar kaan lagu sii horumarin lahaa dadaalada socda iyo horumarka laga sameeyey dhanka Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Xiriirka maamulada iyo Dowladda, Maamul wanaaga, Dastuurka qabyada ah iyo dib-uhabeynta Baarlamaanka.

no images were found

Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga ayaa sheegay in Talyaaniga uu tagayo shirka Lodon isla markaana taageeri doono mowqifka Soomaalida si xalku u noqdo mid ay Soomalidu leedahay.Raìiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa Qado sharaf u sameyey Wasiir ku xigenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga H:E. Staffan De Mistura oo ay labada mas’uul ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.Raìiisul Wasaaaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Wasiirada Gaashandhiga, iyo Arrimaha Gudaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Talyaaniga.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokespers on the Government

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online