Saddex dhalinyaro ah oo saaka lagu dilay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan

January 2, 2012 - Written by

Hiiraan:-Ciidamo Soomaali ah oo sheegtay in ay yihiin maamulka Dooxada Shabeelle oo shalay la socday ciidankii Itoobiyaanka ah ee shalay la wareegay magaalada Beledweyne ayaa saaka waxaa ay ku dhex dileen magaalada Beled weyn 3-da dhalinyaro ah oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab, 3-da dhalinyaro ah ayaa waxaa ay la socdeen gaari rakaab ah oo ka yimid magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ciidankaan Soomaalida ah ayaa waxaa ay kala soo degaan dhalinyaradaan  baabuurkii ay saarnaayeen  waxaan ay ku toogteen  buundadad dhagax jabis  oo dhinac bari kaga beegan magaalada Beledweyne, Sarkaal u hadlay ciidanka Dooxada Shabeele ayaa sheegay in 3 dhalin yarada ah  ee ay dileen ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab iyagoo ku dooday in ay ku go,doomeen galbeedka  magaalada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa shalay waxaa la wareegay ciidamo soomaali ah  gacan ka hellay  ciidamo Itoobiyaan  ah oo wata taangiyo iyo hub culus iyadoo taas ay sababtay in ciidanka ururka Al-shabaab ay magaalada ka baxaan iyagoo hadda ciidankoodu uu xooggiisa ku sugan  degmada buulo barde.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka jira deganaasho iyadoo cabsi laga qabo in dagaalku uu kui sii fido Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Gal-gaduud taas oo sababi karta  qax iyo barakac maadaama ilaa iyo intii ay gobolka Hiiraan ka talinayeen ururka Al-shabaab ay dadka rayidka ah ay ku soo laabeen gobolka.

A/cawaale
Halgan.net 

 

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online