Salaama Bank oo Xarun Cusub Ka furtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland (Daawo Masawirada)

January 3, 2012 - Written by

Garoowe:-Magalaada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa maanta waxaa xariga looga jaray Bankiga Puntland Salama Bank faraciisa Garoowe,waxana munaasabada furitaanku ka dhacdey xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC.waxaana ka soo qeyb galay furidiisa wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland,qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Puntland,waxgarad,issimo,culimo,ganacsato .

Wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame(Qowdhan) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey furitaanka faraca Garoowe oo horey Bossaso uu furey wasiirka maaliyada Faarax Cali Shire,waxana uu ku darey in Dowladda Puntland ay soo dhaweyneyso talaabadan horumarineed.

Maamulaha bangiga Salama Banka Puntland Maxamed Jaamac Xaashi ayaa sheegay in bangigu ku shaqayn doono nidaamka bangiyada Islaamka,waxaana uu soo tiriyey faa’idooyinka ay u leeyihiin koboca dhaqaalaha dalka.

Madasha xaflada ka dhaceysey oo u badnayd khudbado ay soo jeedinayeen masuliyinta iyo marti lagu casumey makrafoonka ayaa waxaa dhamaan muujiyeen horumarka balaaran ee laga gaarey dhanka nidaamka kaydka lacagta oo bangigani noqday kii ugu horeyey oo laga hirgeliyo Puntland.

Afhayeenka Issimada Puntland Garaad Cabdulaahi Cali oo ka mid ah dadkii lagu casumey kulanka oo ka hadlay goobta ayaa soo dhaweyey furitaanka bangigan,waxana uu la dardaarmey masuuliyiinta bangiga in ay dhawraan xuquuqda shaqaalaha ka hawlgalaya.

Bangigan oo shirkadda isgaarsiinta Golis hoos taga ayaa waxa uu ku xiranyahay adeega lacag dirsiga ee Mobilka(Sahal Service),waxana sida sheegeen talaabadan tahay mid la jaanqaadeysa horumarka tiknolojiyada casriga ah.

no images were found

Ugu danbeyn xafalada fuitaanka ayaa waxa soo xirey wasiirka degaanka Puntland Cabdiqani Yuusuf waxana uu tilmaamey in horumarkii ugu badanaa dunida guud ahaan la gaarey 20-kii sanno ee ugu danbeeyey.waxana uu raaciyey in Puntland gaar ahaan intii burburka lagu jirey wax badan u qabsoomey islamarkaasina gaarey horumar balaaran.

Koboca dhaqaalaha iyo horumarka dhinacyada nolosha ayaa waayadan danbe waxa laga dareemayey Puntland,iyadoona ay soo badanayaan shikadaha sida gaarka ah loo leeyahay oo la’aamin sanyahay in ay qayb ka qaaateen horumarka dhaqaale Puntland .

M_M Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. salaamu Calaykum
    aad baan u soo dhaweynaynaa horumrka dalka iyo diinta
    mashalaah

  2. aad ayaad u’mahadsantihiin bahda halgan, runtii wa tillaabo hormarleh oo aad loogu farxo waana tii keeni lahayd in dhaqaale xad dhaaf ah uu waddanka usoo xarooda waxaanan rajaynaynaa hadduu rabbi idmo in shacabku uu kafaa’iidi doona shaqooyin badanna ay abuurmi doonaan.

    allahummajcal puntland aaminatan mud’ma innatan wasaa’ira bilaadil muslimiin.

Leave a comment

*