Saraakiisha AMISOM iyo DFKM oo saxaafada geeyey fariisimo ay qabsadeen

January 23, 2012 - Written by

Muqdisho:-Saraakiisha AMISOM iyo kuwa DFKM ayaa maanta geeyey horin saxafiyiin ah  fariisimo ay ka qabsadeen jimcihii la soo dhaafay Al-Shabaab waxaana ka mid ah xarumaha la geeyey saxaafada xarunta jaamacadda Muqdishoiyo qubuuraha Bakaraat ee dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho.

Madaxada DFKM ee horkacayey saxafiyiinta waxaa ka mid ah wasiir u dowlaha wasaaradda G/dhiga Maxamuud Macallin Nuur, abaanduulaha ciidamada DFKM  C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan)iyo qaar ka mid ah gudoomiyaasha Degmooyinka gobalka Banaadir .

Waxaa xarunta jaamacadda Muqdisho kula hadlay  warbaahinta abaanduulaha ciidamada DFKM  Gen C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) wuxuuna sheegay in ay goobo badan kala wareegeen ciidamada Al-Shabaab  wuxuuna sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka inta dalka oo dhan laga saarayo Al-Shabaab.

Gen C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa sheegay in ay u talaabi donaan hada wixii ka danbeeya goobaha ka baxsan Muqdisho si loo yareeyo weerarada ay soo qaadaan Al-Shabaab. Dhinaca kale afhayeenka ciidanka AMISOM Paddy Ankunda  ayaa isna la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay in ay haatan gacanta ku hayaan xarunta jaamacadda iyo qubuuraha Bakaraat ee dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho.

Ururka Al-Shabaab ayaa wili ka hadal guulaha ay sheegteen ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM marka laga reebo dagaalo iyo weeraro ay xalay iyo habeen hore ku qaadeen goobaha ay haatan ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online