In Warka La Iska Xaqiijiyo Sheekh Maxamed Umal (Daawo Maqal iyo Muuqaal)

January 29, 2012 - Written by

Nairobi:-Sh.Maxamed Cabdi Umal oo si weyn loo wada garanayo kana mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa maanta khubadii Jimcaha ee masaajidka Abuu Bakar ee xaafadda Islii magaalada Nairobi, kaga hadlay muhiima dda ay leedahay in warka la hubsado inta aan laga dhalinin axkaam iyo fataawi baneyneysa dhiig iyo sharaf Muslim.

Sheikha ayaa sheegay in hubinta warka ay ka mid tahay qawaacidda shareecada Islaamka, isagoona tusaayalayaal ka soo qaatay qur’aanka kariimka ah iyo sunada suubanaha Muxamed NNKH.Shiikh Umal ayaa sheegay in qaar ka mid ah saxaabadii Nabiga NNKH, lagu canaan tay inay iska hubin waayeen nin ku salaamay salaanta Islaamka oo ay dileen, iyadoona qur’aanka lagu sheegay in saxaabadaasi ay ujeeda doodu aheyd inay xoolo helaan halkii ay wax ka hubsan lahaayeen.

Sidoo kale Sheikha ayaa sheegay in Nabi Muxamad NNKH uu saxaabi fal khatar ah kula kacay uu u yeeray ka dibna uu weydiiyey waxa ku xambaaray, markii uu sharraxayna lagu qancay oo hubsiima la sameeyey intii aan la xukumin. Xiligan lagu jiro ayuu Sheikhu sheegay inay jiraan dad wararka suuqa iska qaata oo sii gudbiya, iyadoona laga yaabo wararka la kala warinayo in cid loo tiiriyo oo la garanayo ayan jirin.

” Waxaa jira dad warka haddii koox ay taageersan yihiin uu ka yimaado iska qaadanaya oo laga yaabo inay ka soo saaraan axkaam iyo fataawi lagu baneynayo dhiig, sharaf iyo furuuj, taas ayaa muujineysa diin yaraan, fudeyd iyo caqli xumo” ayuu yiri Sheikh Umal.

Sheikha ayaa sheegay warka in laga fiirsado meel walba oo uu ka yimaado, haddii uu been yahay halkiisa looga tago, haddii uu run yahayna la eego maslaxadda iyo mafsaddada ka dhalan karta tabin tiisa, wuxuuna Sheikhu sheegay inay jirto mararka qaarkood in run sheegiddeedo ay xaaraam noqoto, waa marka fasaad badan uu ka dhalanayo.

Ugu dambeyntii Sheikha ayaa sheegay in xiliyadan dambe ay soo baxeen warbaahin warka iska tabiya oo aan la garanbeyn cid ka shaqeysa, isla markaasna wixii laga soo dhageysto ama laga soo aqriyo laga yaabo in wax badan lagu fasaadiyo.

[audio:http://halgan.net/Mp3/sh_umal2.mp3]

Ama Halkan

Halgan.net
Nairobi

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online