Sh Xassan Daahir oo ka digay culimada caydooda kuna baaqay in Axaadiista lagu hayso Sh.Xassan Takar uu meel saaro.(Dhagayso)
January 6, 2012 - Written by
Muqdisho:-Shabakadda Wararka ee Halgan.net ayaa waxaa soo gaaray kalimada wacdi ah oo uu Sh.Xassan Daahir Aweys ku tacliiqiyey khudbo Jimco ka dhacday Masjidka Ramadaan ee ku yaal Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalda Muqdisho, Sh.Xassan Daahir ayaa waxaa uu ka hadlay in aan la fududeysan barashada cilmiga isagoo Shiikh Xassan Daahir Aweys uu si aad ah ugu hadlay in culimada Soomaaliyeed ee halganka dheer u soo galay dacwada iyo fidinteeda aan lagu xadgudbin oo aan lagu tilmaamin in ay yihiin culimaa’usuu balse culimada dalka Soomaali yeed loo baahan yahay in la wey neeyo lana qadariyo , Sh.Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa uu tusaale u soo qaatay macalinkiisii quraan ka baray oo ahaa reer Baydhabo ah isagoo sheegay in macalinkiisu uu lahaa khaladaad balse aan loo baahnayan in ceebihiisa uu raac raaco cid aan khalada lahayn aysan jirin.
Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa uu sheegay in culimada dalka Soomaaliyeed nooc walba ay yihiin uu mid walba uu dacwadaan qayb ku lahaa kuwa waxaa laga bartay Axkaamta ,kuwa waxaa laga bartay cilmiga Tajwiidka, kuwa waxaa laga bartay cilmiga Xadiiska shiikh ayaa sheegay in cilmiga aan lagu dhalan balse rag ay u istaageen in ay dadka baraan.
Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa ku tilmaamay cayda culimada soomaaliyeed iyo wax ka sheegooda uu yahay xan , xantuna ay tahay wax shareecada Islaamka ay reebtay , Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa ku waaniyey dhalinyarada in aysan culimada fadligaas ku leh aysan ka mudnayan in ay caayaan oo cirdigooda ay banaystaan taas oo maalmahaan dambe aad u soo badatay.
Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in culimada uu ka dhici karo khalad cilmi ah ama culimada dhexdooda ay wax uun isku khilaafi karaan, Shiikh Xassan Daahir ayaa ka digay in culimada sida uu alle u sameeyey aan lagu caayin qofkii arrinkaas ku dhacan uu yahay mnid alle dadka sidda uu u sameeyey wax ka sheegay, Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa dhalinyarad u sheegay in haddii shiikhooda ama culimada ay wax khalad ku arkaan in ay alle u baryaan cilmigana ka qaataan.
Shiikh Xassan Daahir ayaa sheegay in rag culimo ah oo ay wax ka baran jireen ay u imaan jireen iyagoo qaad cunaya ama qaarkood ay sigaarka cabi jireen waan wax la soo maray arrinkaas oo uu shiikhu uu uga dan lahaa in dhalinyarad maal mahaan lagu dirayo culimada in uu u caqli cilyo.
Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in ninkii culimo ah oo ku gafa Shareecada khilaafana Ijmaacii Umada sida Shiicada iyo Khawaarijta , Muctasilada iyo Jahmiyada la naqdinayo wixii fasaad ahna umada looga digayo balse ninii culimo ah oo gaaray darajada Ijtihaadka aana khilaafin Ahlusunaha aan lagu colaadanaynin Ijtihadkiisa taas oo uu Shiikhu doonayey in dhalinyarada aan la maraiun habaabin culimadoodána aan loo tusin kuwa ah culimaa,uusuu oo hadda kuwa maalmahaan wax ku qora baraha internetka iyo kuwa culimo la kood ah ay dhaqan ka dhigteen.
Sh.Xassan Daahir Aweys ayaa xusay in maalmahaan uu arkayey culimo isku haysta Axaadiis isagoo sheegay in ay dowtahay in ninkii Axaadiis lagu haysto uu meel saaro isagoo ula jeeda Shiikh Xassan Takar oo lagu haysto axaadiis been abuur ah oo uu daliishaday, Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in ay khatar tahay in axaadiis been ah loo tiiryo Nabigeena Maxamed Naxariis iyo Nabadgelyo korkiis ha ahaatee isagoo sheegay in qofkii Nabiga ku been abuur ta uu waciid culus alle u balanqaaday oo ah naar. Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in qofka iska fiirsho wax uu diin ahaan u daliishanayo isagoo shiikhu uu ugu baaqay in laga toobad keeno qofkii Axaadiis been abuur ah daliishada , Sh.Xassan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay dadweynaha iyo dhalinyarad in ay culimadoodu ilaashadaan.
Hadalka Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa ku soo beegmay xili dil fool xun loogu geystay magaalada Boosaaso Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan dilkaas oo ay beesha Shiikhu ka dhashay iyo culimada ku nool Boosaaso ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan kooxda amniyaadka ah ee ka tirsan ururka Al-shabaab oo uu madaxda u yahay Axmed Cabdi Godane.
Hoos ka Dhagayso Kalimad Shiikh Xassan Daahir Aweys
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/caydaculumada..mp3]A/cawaale
Halgan.net

.gif)

