Sh Xassan Daahir oo ka digay culimada caydooda kuna baaqay in Axaadiista lagu hayso Sh.Xassan Takar uu meel saaro.(Dhagayso)

January 6, 2012 - Written by

Muqdisho:-Shabakadda Wararka ee Halgan.net ayaa waxaa soo gaaray kalimada wacdi ah oo uu Sh.Xassan Daahir Aweys ku tacliiqiyey khudbo Jimco ka dhacday Masjidka Ramadaan ee ku yaal Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalda Muqdisho, Sh.Xassan Daahir ayaa waxaa uu ka hadlay in aan la fududeysan  barashada cilmiga isagoo Shiikh Xassan Daahir Aweys uu si aad ah ugu hadlay in culimada Soomaaliyeed ee halganka dheer u soo galay dacwada  iyo fidinteeda aan lagu xadgudbin oo aan lagu tilmaamin in ay yihiin culimaa’usuu balse culimada dalka Soomaali yeed loo baahan yahay in la wey neeyo lana qadariyo , Sh.Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa uu tusaale u soo qaatay macalinkiisii quraan ka baray oo ahaa reer Baydhabo ah isagoo sheegay in macalinkiisu uu lahaa khaladaad balse aan loo baahnayan in ceebihiisa uu raac raaco cid aan khalada lahayn aysan jirin.

Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa uu sheegay in culimada dalka Soomaaliyeed nooc walba ay yihiin uu mid walba uu dacwadaan qayb ku lahaa kuwa waxaa laga bartay Axkaamta ,kuwa waxaa laga bartay cilmiga Tajwiidka,  kuwa waxaa laga bartay cilmiga Xadiiska shiikh ayaa sheegay in cilmiga aan lagu dhalan balse rag ay u istaageen in ay dadka baraan.

Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa ku tilmaamay cayda culimada soomaaliyeed iyo wax ka sheegooda uu yahay xan , xantuna ay tahay wax shareecada Islaamka ay reebtay , Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa ku waaniyey dhalinyarada in aysan culimada fadligaas ku leh aysan ka mudnayan in ay caayaan oo cirdigooda ay banaystaan taas oo maalmahaan dambe aad u soo badatay.

Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in culimada uu ka dhici karo khalad cilmi ah ama culimada dhexdooda ay wax uun isku khilaafi karaan, Shiikh Xassan Daahir ayaa ka digay in culimada sida uu alle u sameeyey aan lagu caayin qofkii arrinkaas ku dhacan uu yahay mnid alle dadka sidda uu u sameeyey wax ka sheegay, Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa dhalinyarad u sheegay in haddii shiikhooda ama culimada ay wax khalad ku arkaan in ay alle u baryaan cilmigana ka qaataan.

Shiikh Xassan Daahir ayaa sheegay in rag culimo ah oo ay wax ka baran jireen ay u imaan jireen iyagoo qaad cunaya ama qaarkood ay sigaarka cabi jireen  waan wax la soo maray arrinkaas oo uu shiikhu uu uga dan lahaa in dhalinyarad maal mahaan lagu dirayo culimada in uu u caqli cilyo.

Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in ninkii culimo ah oo ku gafa Shareecada khilaafana Ijmaacii Umada  sida Shiicada iyo Khawaarijta , Muctasilada iyo Jahmiyada la naqdinayo wixii fasaad ahna umada looga digayo balse ninii culimo ah oo gaaray darajada Ijtihaadka aana khilaafin Ahlusunaha aan lagu colaadanaynin  Ijtihadkiisa taas oo uu Shiikhu doonayey in dhalinyarada aan la maraiun habaabin culimadoodána aan loo tusin kuwa ah culimaa,uusuu oo hadda kuwa maalmahaan wax ku qora baraha internetka iyo kuwa culimo la kood ah ay dhaqan ka dhigteen.

Sh.Xassan Daahir Aweys ayaa xusay in maalmahaan uu arkayey culimo isku haysta Axaadiis  isagoo sheegay in ay dowtahay in ninkii Axaadiis lagu haysto uu meel saaro isagoo ula jeeda Shiikh Xassan Takar oo lagu haysto axaadiis been abuur ah oo uu daliishaday, Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in ay khatar tahay in axaadiis been ah loo tiiryo Nabigeena Maxamed  Naxariis iyo Nabadgelyo korkiis ha ahaatee isagoo  sheegay in qofkii Nabiga ku been abuur ta uu waciid culus alle u balanqaaday oo  ah naar. Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in qofka iska fiirsho wax uu diin ahaan u daliishanayo isagoo shiikhu uu ugu baaqay in laga toobad keeno qofkii Axaadiis been abuur ah daliishada , Sh.Xassan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay dadweynaha iyo dhalinyarad in ay culimadoodu ilaashadaan.

Hadalka Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa  ku soo beegmay xili dil fool xun loogu geystay magaalada Boosaaso Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan dilkaas oo ay beesha Shiikhu ka dhashay iyo culimada ku nool Boosaaso ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan kooxda amniyaadka ah ee ka tirsan ururka Al-shabaab oo uu madaxda u yahay Axmed Cabdi Godane.

Hoos ka Dhagayso Kalimad Shiikh Xassan Daahir Aweys 

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/caydaculumada..mp3]

Ama Halkan

A/cawaale
Halgan.net

 

44 Comments so far

Leave a comment

  1. xasan daahir aways waa jirjiroole hadalkiisa wax qiimo ah sameenmaayo. sababtoo ah maalinba meesha uu u arko in uu fidna uu walaaqo uga baxsan karo buu ka hadlaa. Tusaale waxaa idiinku filan lixdii sano ee la soo dhaafay.

  2. WAXAANA HAYAA CAJELAD CADAYNAYSA IN SOOMAALIYA YUHUUDI DEGAN TAHAY KUWAAS OO SOOMAALI AH INOONA EG MARKAA WAA IN AAD OGAATAAN IN SOOMAALIYA AY JIRAAN DAD INOO EG OO SOOMAALI AH LAAKIIN HAYSTA DIINTA YUHUUDA ANAANA HAYA CAJELAD CADAYNAYSA,WAANA KUWA MASAAJIDADA KU GAWRACAYA CULIMADA,WAANA KUWAN GAWRACAYA CARUURTII SOO KORAYSAY,WAANA KUWAN DILAYA WERIYAYAASHA,RUNTII YUHUUD BAA JOOGTA IYO DAD HAYSTA DIINTA KIRISTIYAANKA OO SOOMAALI AH MARKAA HALAYSKA JIRO,ARINTASI MAAHA ARIN BEEN AH ASC WR WB.

  3. AMAAN MOOYEE CAY MA LAHA CULIMADA SOOMAALIYEED WAAN JECLAHAY CULIMADA SOOMAALIYEED ILAAHAY HANOO DAAYO KUWA BASAASAAYA CULIMADA SOOMAALIYEED WAA DAALIMIINE ILAAHAY HA NAGA SOO QABTO ALLE HA JEBIYO CADAWGA CULIMADA SOOMAALIYEED MEEL KASTAY JOOGAAN AAMIIN YAA ALLAAH .

  4. bismilaahi waxaan odhan lahaa waxaa laguyaqaanaa qofka xaqa kutaagan waxa kamid ah kusugnaanta diinta wakhtiga adag markaas waxaan u malaynayaa aniga oo aan gardaro ugu hiilinayn in isaga iyo ninka ay isku magaca yihiin in ay yihiin laba nin oo isbadaliwaayay inkabadan 20 sano inta culimadii kale badankood kolba war lagahayo amaba isbadal badanikamuuqdo markaas wakhti adag baalagu jiraaqofwalbaw adigu isku day inaad sugnatoiskanailaawa ama iska ilaaliya mediyaha oo la odhan karo waa sharwadeenka ugu wayn ee maanta caalamka kajira ilaahay hasugu kuwa xaqa kutaagankuwa marwalbajecel wax kasheegooda alaah hasoo hanuuniyo umada somaaliyeed alaah habadbaadiyo dadka diinta difaaca alaah ha ukaaleeyo abilaahitawfiiq

  5. waan idin salaamayaa marka hore salaan kadib web kaan waxaan aad uga daalacdaa ayagooleh culumo ayaa lacaayay waxaa jirta gar aad naqayso oo kugu naqan adinka ayaan aamin sanahay in aad culimo duraysaan kabilow masawirka sh, xasaan xuseyn sida loo waji xumeeyay mida kale nin kii leh dhalin yartu waaqaldan yihiin asagu hanadifaaco oo wax kafiicana hakeeno hadiikale wabilaahi tawfii

  6. taariikhdaad qaladkeda hadaad ka faamiideysan soo laabashadeeda ayaa laguuga imtixaamaa! waa xikmad khabiir.
    1992 ayuu sh xassan daahir hadaladan ookale nagu oran jiran,
    waxay aheyd goobtu kala-beyrka boosaasa & qardho maalintuna waa ciidul adxaa mar qura ayuu khadiibkii weerar ba,an ku ekeeyay culimadii hore & bulashadiiba, duhurkii hadii la tukaday ayuu sh xassan raddi kulul oo uu culimadii hore ku difaacaya u jeediyay dhalinyaradii la tukatay, gabdha wadaada ah oo aan sheekha arken maqlayayse hadalkiisa ayaa waxay moodeen wadaad suufi ah ama cula maa,u suu ah oo macalinkooda khadiibka ahaa maagaya1.
    hadaba kadib 20sano malaga yaabaa in xikmada shiikhu ay ka adkaata xamaasada shabaabka.

  7. innaa lilaah wa ina ilehi rjicun aad buu ula soo daahay shiikhu candhuuf dhulka ku dhacday ma soo noqonayso, haddan idin xusuusiyo qarixii shamo waxaa taskiyey ayman alzawahiri oo uu ku jiray shiikhii caddo iyo dhalinyaradii dhakhaatiirta ahayd kuwii waxaas sameeyay miyay la culstahay dilka culimada dacwada ee soomaaliyeed waxaan oran karaa hadii culimada dilkoda labaneysto waa nihaayatu waxa loo yaqaano shabaab

  8. Asalamu caleeyku.

    Maasha aalaah sheq xasan dahir ., xadiiska nabiga waxa uu ahaa Qul xaqa Walow kaana mura , xaqe sheeg , haba ahaadee qadhaadh , ama qaraar, sheqa xaqa wuu cadeeyey ee culamda ha laa daayo , culamda waa warathul anbiyaa , culamda dhxalkii Anbiyada, Alaahu Akbar , Alaahu akbar Allaha soo ahnuuniyo kuwa culamda caaya,

  9. SHEEKHA KHAYR ALLAHA SIIYO KAALINTIISII AYAANU MUUJIYEY ASXAABTA AY MEEL WADA JOOGAANNA WAA INAY KU ADEECAAN WAAYO NINKA KU BADBAADINAYA AYAA MUDAN INAAD ADEECDO, E MAAHA INAAD RAACDO NINKA AY HAWADAADU LA JIRTO AMMA SIDA AAD DOONAYSO WAX U SHARXAYA, SHEEKHA WAXAN LEEHAY INTAASI WAA INTII DADKA LA GAADHSIINAYEY E SI GAAR AH WAX UGU SHEEG RAGGA MASUULIYIINTA U AH SHABAABKA OO HA GARTAAN CULIMADU IYO QIIMAHOODA

  10. Sheekh kheyr allaha siiyo wuu la soo daahay naseexada dhiig badan ayaa daatay 5tii sano ee la soo dhaafay intuu san dhiiga badan ayay ku fiicnayd waxaan u malaynayaa sheekha wuxuu u ekaa nin dardaarmaya ee dar daarankisa hala qaato .waxaan ku talin lahaa anigoo sheekha hadaladiisa qiimaynaya hadii la heli karo qof ilaaliyo in sheekha aad loo ilaaliyo oo aan la dayicin .

  11. scww ilaah kheyr hasiiyo sheekha waxaanan rajaynayaa inuu sixi doono qaladaadka alshabaab sheekhuna wuu ku saxanyahay difaaca diinta iyo dalka
    waayo gaal iyo muslim qaldan waxaad la safanaysaa muslimka qaldan culimadana ilaah hanoo toosiyo aamiin.

  12. ina daahir aways saw la waydiin maayo maalinta qiyaame inta qof oo uu jaahwareerka hubaysan ee uu bilaabay oo aan diinta salka ku lahayn ku dhimatay .
    saw la waydiin maayo maalinta qiyaame inta jeer oo uu kalimad xaq ah oo markaas taagan in laga hadlo oo uu og yahay xaqnimadeeda uu ka gaabsaday oo haddii uu sheego oo lagu dilo uu jannada ku gali lahaa laakiin adduunyo jacayl ayuu uga aamusay.
    ina daahir aways saw la waydiin maayo maalinta qiyaame dhibaatada iyo silaica gaajada barakaca xanuunka badan ee ummadda soomaaliyeed soo gaartay intuu uu jabhadaynta beenta oo aan diinta salka ku lahayn uu ummada soomaaliyeed ku halaagayay , .
    waa nin adduunyo nin adduunyana khayr malahan.
    ilaah ayaa naxariista ee runta sheeg ilaahna bari soomaalina waa ku baratay , .
    la ogaa oo mooryaan diimeedkiinu hadba shaati hasoo gashadeen marakan cullumaddii ayaad biloowdeen
    xasanoow runta sheeg. runi kaama dhawee.

  13. salam claykum: xasan daahir aways ilaahay ka cabso mar walba, iskana daa qabiilada aad caynayso hadalada aan is waa faqsanayn iska ilaali ogow waxa aad afka ka sheegayso iyo waxaad qalbiga ku haysato waa lagu waydiin mar labaad is waafaji qalbigaaga iyo ficilkaaga tan labaadna xukun jaceelka iska daa nin ween baatahay is xisaabi intaan lagu xisaabin.DIGNIIN DIGNIIN DIGNIIN DIGNIIN.

  14. asc/w/w salaan kadin sheeq mujaahid ilaahey haku xifdiyo intaa kadib raga dhagaha iyo indhaha meeylkala eey kajiraan waxaan leeyahay ilaahey hasoo jeediyo taa kadin walaalaha qaar waxaan idin leeyahay mawaxaa idi lafiican inaad mujaahihiidna qoraaladiina isaga soo horjeedisaan miyaad dooneeysaan ogaada taas ma idin suuragaleeyso waayo hortiina ayaa ragkudaaleen ooqarash kubaxay mujaahiidiinta iyo culimada ilaahey ha isku wada keeno makaan waaxid ah oo kaxureeysan dawaaqiita inshaa alaaal aamiin aamiin asc/w/w

  15. Scw ikhaawinii Waan idin salaamayaa , sheikh Hassan ma wuxuu ogaaday inay shabaab jabayso waayo shirkii lagu go,aansaday in culimada lalaayo waakii dhex yuururaye , ninwayn oo dacwada intaa kuso jiraybaad ahayde sheikh takfiirka ka hadh inta goori goortahay

  16. asalamclkm.walalayal kheyr alah idinsiiyo lakin hal ayaan dhihilaha.sh xasan hadalkisa cidna kuma magacaabin wana sida sunada ah ee rasuulka loga bartay.marka adinka in aad dhahdaan hebel buu oolajeday waxayilatahay wallaga fiicanyahay.waxa uulajedo adoo og ayaa fiican in sidi uu uyiri un loshego.واذاقلتم فاعدلو

  17. asc waraxmatullah, salaan kadib anoo kamidah dadka shabaabka aan jecleen,waxaana kufarxay markuu yiri axaadiistan lagugu haysto meelsaar, isagoo ujeeda sh.xasan takar, walibana uu usoo daliilshado xadiith. runtii aad ban ugu farxay hadalkan geesinimada leh ee uu xasan daahir shabaab hortooda kajeediyey isagoo yire”ninkii kukhilaafa ma’ha culumaa usuu” waana tallaabo bilaw ah waxaana kasii jeclaan lahaa inuu kasoo baxo si kastaba hakuqaadatee, sidoo kale inuu si cad u yiraahdo “nimanyahaw dadka dhibka kadaaya” rasuul(csw)waxa uuyiri (jihaad waxaa ugu wayn kalimad xaq ah oo lagu yiraahdo xaakim daalim ah) aw kama qaala (
    scw)

  18. asc shiiq dhaahir aweys waaa saxan yahay laakiin nimamkoow lajoogo masaxanyihiin waa suaal

  19. sc sheekh xasan waa wanaagii aan kaaga baranay arinta aad hada sheegtay waxaadna moodaa in ay ku soo beegantay xili muhiim ah oo loo baahan yahay eraygaaga laakiin waxaan sii jeclaa in aad ku darto culimda caydeedu mabanaana laakiin dilkooda kama aadan hadlin waan ogahay in aadan raali ka ahayn laakin su,aasha meesha taala waxay tahay anoo aqoon fiican kuu leh kuguma aqoon nin kalmada xaqa ah ka gabada ilaa hadana kaama maqal eray ku saabsdan go ,aaminta dilka culimda alaha ku xassusiyo anoo qadarinay durrufta adag ee aad kula nooshayh nimanka khawaarijta ah waxba wax bay dhaameen erayga aad hada tiriwaa waqti loo baahan yahay khayr alaha kaa siiyo sc

  20. kheer allah siiyo sh xasan,meeshan labo qof ayaa akhyaarnimo u hadashey, waa asad ,iyo aw ali,

  21. asc Xasan Daahir Aweys, Shaki iigama jiro inuu si fiican u hadlay, laakiin waxyaalaha socda iyo waqtiga uu hadlay iyo hadalkiisa kolkii aan isu geeyey waxaa ii soo baxay in hadalkaani ka yimid kolkii uu arkay in xaaladu asaga in la gaalaysiiyo ama culimaa u suu lagu tilmaamo marayso, kalmadaan asagaa isku difaacaaya. waayo kol hore ayuu hadli laaa hadii uu culimada difaacaayo, kolkii aradada xamar lagu leynayay wuu barakeeyey dilkii Dr axmed xaaji oo bil ka badan ka soo wareegtay wuu ka aamusnaa hadda kahor.

  22. Waad Qumantahay shiiqow laakiin yaan lagu qaarijin adiga shabaab isku dhiibee shabaab qof qilaafay ma noolaado laakiin ilaahbaad leedahay ajashaadase ilaahba haya

  23. asc marka hore wad ku mahadsantihiin soo gudbin hadalka sheekh xassan daahir aweys. hadaan fakradeyda dhiibto, hadalka sheekh xassan wuxuu jawaab u yahay oo uu la hadlayaa INA GODANE(ABU ZUBEYR), maxaa yeelay wareysiyadii ugu dambeeyay ee uu radiyaha andalus siiyay wuxuu INA GODANE aad ugu cambaareeyay raggii maxaakimta hogaaminayay iyo kuwii isugu tagay ASMRA, marka sheekh xassan labada qaybood ee uu diiniyan iyo dadnimama u diray INA GODANE ayuu ki jiray

  24. asc.shiikh kheyr allaha siiyo,wa nin experience u leh arrimaha soomaaliya marka waxana ka muuqato in uu doonaya culimada soomaaliyeed ee is haysta in uu isu soo dhaweyo marka waxan ku leenahay culimada ilaahay ka cabsada dhexdiinana islaax dhiga umadana samatabixiya manta xaladu meel khatar ah ayay maraysaa

  25. sh xasan alla ha kaa jasaaisiiyo kalmadaasi qiimaha leh laakiin sheekh waxa lagaaga baahanyahay in aad culmada aad la soctid oo aad dhalinyaradan la khalday aad wax u sheegtid oo aad sheekh bashiirna aad ka tuhun saarto masaldaa culima baabiintaa in aanad ku jirin oo aad ka soo horjeedid markaa aya wax lagaa dhagaysanaya

  26. A/C DHAMAAN WALAALAYAAL WAXAN LEEYAHAY SHEIKH XASSAN WAA ASIIBAY ILAAHEEY HA XAFIDO ILAAHEEYNA HA KA AMAAL MARIYO WAANADIISA NAXARIISTA KU SALEEYSAN WAANA SAX INTA UU KA HADLAY WAAYO WAANA NA WADA ANFACEEYSAA WAANA WAX SAX AH WAAYO CULIMADA NINKII WAX KA SHEEGA AMA DHEYELSADA ISAGAA YAQAANA CIDUU DIIN KA BARANAYO WAXAAN KALOO DHALIN YARADA ANIGOO KALE AH ORAN LAHAA AMA DIIN HA KABARTO AMA YUUSAN KABARANINE CULIMADA ISKU SI HA U XUSHMEEYO WAAYO WAA CULIMADEENII MAHADSANIDIIN ILAAHEEY HA XAFIDO SHEIKH XASSAN DAHIR IYO MUSLIMIINTA OO DHAN a/C

  27. A/C sh xasan alaah haxifdiyo naseexadaadana alaah dadka qalbigooda hadajiyo waxbadan ayaad ogtahay ood qarinaysaa somaliduna waxay dhahdaa umuliso iyo nin oday ah siday wax ogyihiin umasheegaan fadiilatu sh xasan hada waa lajoogaa inaad cod dheer kagajawaabto waxa dhacaya hadiikale ood ka aamusta waxaa looqaan in aad raali katahay hada kahorna maadan ka,aamusi jir markaat qaladaad arakto cismadaada diineed ilaasho marwalba alaahna hakuxafido AAMIIIN W/T

  28. wahaabi weeye hana toobat keeno xasan dahir awees cimri buu marayaa

  29. Sheekh hassan waxan u rajeynaya kheyr iyo in allah sugo, shekh xasan waa ii muuqata in uu bari ka noqdaY khaladaadka ka dhacay dhalintaama alshabaab wa isku macneee, sheekh waxan oran lahaaa kheyr allah ha siiyee meesha uu ka yiri diinta ilaaliay waxa fiicneyd in uu yiraahdo diinta barta wase ku mahadsan yahay barinimada uu kaqora cul noqday, waayo sheekh wa ruug cadaaa waxa badan og. sheekh dadka qora culumaa suu maba yaqaaanin culumo ama erayga suu beysdan aqoonba wey arken wa iska qoren ma oga in culuma suu in laga wado wadaad xume. wa la yaqan dadka isticma culuma suu wax aka mid ah madaxwenayaashii ama xukaamta xun xun,waxan rajeynaya in la is fahmo siiba culumada iyo ardayda oo dhan siiba dhalinta alshabab ha lagu wado waanada iyo in ay iska ilaalyan fikirka looga digayo, waayo hadda xata sheekh xasan wa carabaabay khawaarij in uu yahay firqa dhaala, dhalinta iska jira firqadaas waxa ku dhacay dad joogay qarni ka fiican ka aad hadda joogtan, ma waxad ka fiican tihin qarnigii cali joogay ileyn caliba wa la dagaalamy waan u qoori waayey in uu yiraahdo wa gaalo wa munaafiqin laakin wax uu yiri wa walaalaheen oo nago xad gudbay, iska daay xad gudubka aad ka galaysan walaalin soomaaliyeed iyo culumdiina, culumada wa leeyin khaladad laakin ha gaarsiinina culuma suu ama wadaad xume. allah ka cabsada dalka inoo dajiya gaala waxab nagama qaadayso, waxan ku soo gab gabagabeyn macno wax badan xambaarsan, waayo haddi khilaaf dhaco waxa ka faa,ideysanya balo oo dhan, xiligii ay is khilaafen cali iyo macaawiya radhwaanullahi caleyhim, ninkuu gaalka wa hiraqal oo fadhiyey bilaadu ruum ba wax uu warqad u soo qoray macaawiye fiiri meesha oo ka galayo, wax uu ku yiri macaawiye wa la socona waa lagu dulmiyey wan kuu hiilin. fiiri jawabta uu bixiyey wax uu ku yiri ya cadawullah ka ka noqo dhulka islaamka aad ku soo xad gudubtay haddi kale aniag iyo ibnu camii wan kuu heshiin wale markiiba w aka bxay dhulkii islaamka, laakin alah ba sugay allah ha idin suge heshiiya kuligen haddi kale shalaayto goor aysan waxba tarin ba la shallay doona, heshiiya yaa alshabaab yaa al ictisam mel uun baad wada sheeganaysaan qaldna wa jira oo waxa loo yahay banii,aadamwaxan ku soo gabagabeyn soomaali waxsan marayna ama inagu shiday nalkii u danbeeyey oo gadoodnaa allah ha loo toobad keena , wan fashilanay runtii ee aan is daba qabano, qof walba qaladkisa ha saxo, tuubuu ila llaha ascw

  30. waa arin fiicab, culimadana ilaahay ha isku soo dhaweeyo, culimada waa in aflagaadada laga daayo, kuwo jihaadiyiin ah iyo kuwo kaleba.

  31. Sheikhana ilahay haka abal mariyo wuu asiibay ilahayna ha nugu intifaaco. Ummada soomaliyeed ee muslimka ah na ilaahay hamidayoo. Cadowgoodana ilaahay haka qabto.

  32. 1. Sheeg xilligii ugu horraysay ee Somaliya laga Fadwoodo in la is qarxin karo?

    2. Sheeg ninkii ugu horreeyay ee Somali ah oo Fadwooda Isqarxiska?

    Jawaab
    1. waxay ahhayd 1990s
    2. Ninkii Fadwoodayna wuxuu ahaa Oda XAsan Daahir.

  33. السلام عليكم ورحمة الله وبركاته Xasan Dahir Aad buu ula daahay kalmada waa hadii laga qaadanayo inta aan culimada la layn bay u ekeyd hadana Kama darayso ee waxaa ay ahayd in uu ka hadlo fadwadii ahayd ninkii ladilna waa mujaahid kii dilana waa shahiid mahad sanidiin

  34. Salaamu Calaykum

    Sheekh Xasan Daahir alah xifdiyo soona hanuunsho dhiig buu gacanta kula jiraa iyo umad dadka ku leyneysaa ta,wiil waxaa Sheekh Xasan waano ugu filan Saraakiishi Xisbul Islaam ee lalaayey Maxaa loo laayey ?Culumada hada culumaa suu lagu sheegayo iyo xasan waa isku xarako muxuu qabaa isaga ?ma leeyahay awood uu munkarka socda ku joojiyo?Sheekh Xasan waxaan ku waanin lahaa in uu saxo masiirka Al-shabaab ku socdaan hadii kale isaga bay dili doonaa marka u danbeysa.

  35. SHEEKH HASSAN WAAN U BAQAYAA…..
    SIDA CAADADA U AH HOGAANKA SHABAABKA OO ISTICMAALA KOOX SI GAARA LOO TABABARAY OO LAGU MAGACAABO AMNIYAADKA OO LAGU QIYAASAY ILAA 250 KUWAAS OO AH DOOXATO SAMEEYA IQTIYAALKA CULIMADA AMA WAXGARADKA IYO CID KASTA OO SHEEGTA RA;YI KA DUWAN KAN GODANE AYAA LOO DIRAA MEEL KASTA OO AY JOOGAAN DHAWAAN WAXAY FAL DANBIYEED KU DILLEEN SHEEKH DR AXMED HAJI ABDIRAXMAAN ALAAH HA U NAXARIISTO..WAXAAN U MALAYNAYAA XASAN DAAHIR INUU SI GAARA U FOOJIGNAAN DOONO OO MAADAAMA UU XIRFAD CIIDAN OO GAARA LEEYAHAY NABAD GALYADIISA KA WARQABI DOONO, MAXAA YEELAY WUU OGYAHAY HADALKIISU INUU MADAXDIISA KA XANAAJIN DOONO. NAS’ALLULAAH LANAA WA LAHU SALAAMATA WAL CAAFIYAH… ALLOW SHEEKHA BADBAABI..

    • shabab xagee ka keneen waxay wadaan waa kuwaane culimadoodi ee ka ceshta culimada umadaan walatay alaha nawada hanunsho shabab alaha hanuunsho sheekh xasanoon ka har shabaab waa dabyshadeene

  36. walaalyaal sheekh xassan sifiican ayuu inoo waaniyey waanadiisuna
    umadoodhanbeykhuseysaa alle kheyr haksiyee lakin yeynaan inagu wakhsiikhasin hadlka sheekhana meelgaara afga ugalinin maxaa yeeley mar
    keynu nidhaahno ina godane ayuu sheekh xassan ujeedey dhibkaleynu abuu reynaa iyo iskudirkale ee sheekhu waanuu inasiiyaye aynu qaadano dhibkana inteynu yareyn karno aynu yareyno maxaa yeeley iney wax hagaagaan beynu dooneynaa nin walibana haysku dayo inaanu asagu wax caayin maxaa yeeley hadaad adigu sheekh ceydid adigana mid isaga taageersan ayaa kucaayin intaasina waa iga waano

  37. al xamdulilaah in sheikh Xassan Dahir ilaahay hadalkaas ka yeersiiyey. Sheikh xassan waxaan leenahay wad kalimaadka noocan oo kale oo waxaa laga yaabaa raga dhalinyarada ah ee mujaahidiinta sheegta inay isaga sigaara wax uga maqlaan.

  38. sheekh xasan ilahay khayr ha siiyo laakiin waxaa muuqata inuu nibankan ku kadsoomay .

    hadalkan wuxuu daba socdaa waraysigii godane oo yidhi khatarta ugu wayn waa culumaau suuga .

    si kastaba ha noqotee barnaamijka godane waa cad yahay oo ciddii khilaafta waa gaal iyo gaalo raac in la dilaana waa jaaiz

  39. asc
    Horta shiikhu si fiican buu u hadlay waxaanad moodaa inuu shiikhu la soo daahay hadlakaan oo mar hore loo baahnaa. Qolada culumada lagu salliday iyagoo ku andacoonaya inay diin Ilaah u gargaarayaan shiikha mar horay ahayd inuu u naseexeeyo waayo wax badan bay kharibeen iyagoo iskula saxsan. Waa bilow fiican waxaanse rajaynayaa inuu shiikhu halkaas ka sii wado sixida waayo shiikhu qiimaha dacwadaan iyo ehelkooda iyo waxay ardada ka mudan yihiin wuu ka badiyaa kuwa maanta culumada is mooday ardadiina jahadii ka luliyay kuna dhiirriyay inay diinta Ilaah cilmi la aan dhex dabaashaan adoomadii Ilaahna dulmiyay xaajo nimaan ogayn indhuhuu ka ridaa.Allow na badbaadi

  40. A.c.w. Kadib. Waxaa batay beryahan dambe dad naar ubadheedhaya been . Beentuna waxay kuu jiidaa naar. Adigoo ujeedadaadu tahay Adduuyo & dano gaar ah markad ku been abuurato Nabigii(scw) xaggeed kudambayn?! Towba waa muhiin markad gasho gef. Maanta waa Adduun Berrina waa aakharo. By: hurdaaye.

  41. Allaahu akbar sheekh xasan daahir waxaa ka daarirtay fidradii saliimka ahayd iyo caddaaladii culimanimada, ma ahan nin shalay soo rucleeyey oo shalay adduun ugu horreeyey,si kastoo mabda,iisu u taageeray kan axmed godanena haddana waxaa muuqata in diintiisii cismadeeda uu weli ku dheggan yahay, wiilasha yaryarkaa ee culimadii lagu salladayna wuxuu tusinayaa in ay tahay waddo halaag oo iyagu ay sidii indho la,aan u socdaan, bal u fiirsada isaga iyo Godane saw ma kala tegin waayo godane wuxuu culimadii soomaaliyeed ku wada sheegay kuwo culimo suu ah labo sheekh mooyee, sheekh xasan daahirna wuxuu leeyahay war ka daa sidaas meehee oo xattaa culimadii xerta ee soomaali usoo horreysay waa culimo karaamo mudan, haa waa sax caqligaa ku tusinaya, maxaa yeelay axmed godane isagoo qur,aankan uu qudhqudhinayo xambaarsan lama soo dhalin ee isagoo afla, oo dhega la,oo jaahil aan xaraf garaneyn buu caloosha hooyadii kasoo baxay 100% waxaan citiqaadsanahay amaba ay u badan tahay inuu wixii uu wax ku bilaabay uu ahaa dugsiyadii taqliidiga ee soomaaliyeed( DUGSI LOOX) sida aan ognahayna dugsiyadaas khad iyo qalin ayaa wax lagu soo bartay 99% culimadii dadkaan wax kusoo barteyna waxay ahaayeen culimadii manhajka ashaacirada uusan ka maqneyn haddaybasan kulli aaminsaneyn oo iska xadreyn jirey ee bidcooyinka salaada iskala jahri jirey IWM, sidaasoy tahay doorka ugu weyn ee aan la illoobi karin ee taariikhdu sajishay waxay ahayd in qur,aanka xataa kuwii geeljiraha ahaa iyo gabadha baadiyaha joogta ee ariga raaceysa ay xifdisnaayeen oo tusmooyinkooda iyo tuulooyinkooda ku baran jireen .

    marka waa caqli darro iyo insilaakh in iskaba daa kuwaase kuwii shalay dadka shalay soo gaarsiiyey dacwadaan tawxiidka ee hufan lagu tilmaamo culamaau suu, waxaanse rajeynayaa in sida sheekh xasan daahirba sheegay dabada uu maanta Axmed godane culimada maroojiyey isagana ay soo mari doonto maalin isaga la maroojin doono oo waxa uu geystey loo geystaa…sida ay caadaduba ahaydna KAMAA TADIINU TUDAAN…

  42. maasha Allah in xaqa la isku garab istaago waa waajib ILaah umada xaqa iyo culimada haku xiro baadilka iyo inxiraafkana umada haka dulqaado
    wadaadkii lagu haystay xadiith-yada waxaan is leeyahay falaar gilgilasho kaama harto ee is bari yeel

  43. Asalaamu calaykum
    raxamikalaahu yaa abuu faadimaha,caydu waa dhaaftay hadda waana taa cullimadii dhiigoodii labanaystay dahirnaa,,kahorna waa lagaalaysiiyay cullimo badana safka gaaladay kujiraan ayaa layidhi si loo laayo,kuwana waa ladilay,marka hadda xaaldaad kahadlaysay hadda dhaaftaye, khayr allaha kusiiyee alshabaab waxay noqdeen
    AL AZAARIQAH? oo ah koox kamida khawaarijta waxayna kucaan ahaayeen daaifadaasi sida cullumadu sheegeen.lixdan qodob alshabaabna waa lagu hayaa sifaadkan.

    1- Gaaleysiinta ciddii aan kasoo haajirin deegaanaka eysan iyagu gacanta ku heyn taasoo keentay iney ku galeysiiyaan dhamaan umaddii islaamka.

    2- Cid kasta ee u shaqeysa dowladdii islaamka oo ey baneesteen dhiigooda halka ey khawaarijtii hore ey dilijireen kaliya madaxda islaamka.

    3- Gaaleysiinta CULUMADA dacwada iyagoo ku magacaabay AL QAACIDIIN amaba kuwa ka fadhiistay JIHAADKA gaalada dabcan gaalada wexey ka wadaan dowladda islaamka iyo madaxdeeda wexeyna sidaas ku gaaleysiiyeen culumo aad u badan oo uu ugu horeeyey caalimkii islaamka ee weynaay AL IMAAM XASAN AL BASRII markow ku gacanseyray in uu gaaleysiiyo amiirul mu,miniinkii C/MALIK IBNU MARWAAN.

    4- Wexey baneesteen in ey qaataan xoolaha dadka kasoo horjeeda amaba aan usoo haajirin deegaanadooda iyagoo ku magacaabay qaniimo.

    5- Wexey inkireen xadiithki saxiixa ahaay oo caddeynayay in AMI,MADU QUREYSH KA IMAANAAYAAN iyagoo ujeedo badan ka lahaay arinkaas oo ey ugu horeyso sida uu caddeeyay sheykhul islaam ibnu teymiyah in ey ku kiciyaan qabaa,ilkii aan eheyn qureysh oo u ciil qabay qureysh iyo qowmiyaadkii necbaay carabta iyo islaamka sidii faaris (IIRAANTA xiligaan iyo berberkii iyo dadkii la adoonsa jiray oo ciil qabay.

    6- Wexey ku raacsanaayeen khawaarij inteeda kale in la gaaleysiiyo qofkii denbi kabiiraa sameeya laguna xukumo inow naarta ku waaraayo taasoo dabcan kasoo horjeeda caqiidada islaamka ee saxda ah oo islaanimada u sugeysa iyo inowsan naarta ku waareyn haba galee

Leave a comment

*