Shaqo gaalo lagu ogaa haddii qolo Muslim sheeganaysaa qabto sidee xaal noqonayaa?
January 10, 2012 - Written byKa dib Dilkii Shiikh. Dr Axmed Xaaji C/Raxmaan waxaa dad badan oo Soomaali ahi su’aal ka keeneen sheega shooyinka Ururka- Alshabaab ay horay ugu andacoon jireen in ururkaasi diinta u gar-gaarayo. Wixii ka dam beeyay dilkii ay urur ka Alshabaab u geysteen Shiikh Dr. Axmed waxaa dadka Soomiliyeed isu qaban weyday laba arrimood oo iska soo hor jeeda oo labadaba laga hayo ururkaas, kalana ah:-
1.Diinta ayaan u gar-gaarayaa , ummaddaan difaacayaa, waan jihaadaya.
2.Culumada ayaan laynayaa ninkii sheekh Dila waa mujaahid shiikha uu dilayna waa shahiid hadhowna kollay mujaahid iyo shahiid ma kala durkaane jannadey ku wada qaxweyn doonaan, isimada, Nabadoonnada, Aqoonyahanka iyo waxgaradka oo dhan waan sifaynayaa weliba jannaan ku doonayaa.
Arrintaasi dadka soomaaliyeed waa isu qaban weyday waxayna arrintu aad usii caddaatay markii ay Shiikha dileen (قاتلهم الله) Bulsha fara badan oo warkooda run moodaysay ayaa ku catowday (ha la rooraan run moodnay), ma saanay nimanku ahaayeen? been bay noo sheegeen iyo ereyo la mid ah.
Dilka ay shiikha dileen waxay indhaha u furtay ummad badan oo ku daba lunsaneyd, oo isla haddiiba iska soo taagay ceebohoodana ku dhiirraday iyo in wixii xumaa ee loo qarinayey la qarin waayo taasoo gaadhay in xaalka dhibaatada nimankaa ay bulshada ku hayaan lagaga doodo fadhi ku diriryada, halkii awal hore laga biqi jiray, taasina waxay tusaale cad u tahay, sida dadku ugu baraarugay xumaan tooda iyo in la isla arkay inay iyaga iyo gaaladu isku shaqo hayaan, iyadoo dad badan oo wax indha indheeya ay qabaan in ururkani gaalada u shaqeeyo ayna xubno sarsare ka yihiin rag ajande kale wata.
In dad sheeganaya in ay Islaamnimada difaacayaan loo maleeyo inay gaalo u adeegayaan ma ahan wax sahlan, hase yeeshee sida la wada og yahay ficilka ruuxu ka xoog badan hadalkiisa, waxaana Alshabaab lagu hayaa oo marag ma doonto ah ficil iyo hadal khilaafka u dhexeeya uu aad u weyn yahay. Waxaa in lagu dul nasto mudan ayna tahay in lays waydiiyo, aalaana dadku is weydiiyaan, haddii dalka gaalo qabsato maxay samayn laheyd gaaladu. ??
Gaal Ilaahay la col ah oo kaa il helay waxaa laga filayaa halaag oo dhan iyo khay-darro fara badan, waana sidii cadow lagu aqoon jiray sida:
1.Dadka oo la laayo
2.Dadka oo la qaxiyo
3.Dadka oo la dhaco
4.Dadka oo la xir-xiro
5.Dadka oo khiyaarka laga qaado
6.Carruurta iyo haweenka oo la qarxiyo
7.Culumada iyo wax garadka si gaar ah loo laayo
8.Dadka oo diinta laga fasaadiyo oo la necbaysiiyo
9.Masaajidda oo lagu tukan waayo
10.Dadka oo la cabsi geliyo (waan ku dilaynaa IWM) Intaas uun bay gaalo qaban lahayd kama badna kamana yara Su,aal kale Al shabaab intaas ma qabteen oo gaalada ma uga hormareen mise ? Jawaabtu waa haa intaas oo masiibo iyaga ayaa gaalada uga hormaray. Hadaba waxa la is waafajin waayay, haddii Alshabaab laftooda is waafajiya la yiraahdana aysan is waafajin karin waxa ay tahay, mujaahid baan ahay iyo shaqadii gaal qaban lahaa baan muslinka ka qabanayaa. Hadaba diinta ay ilaalinayaan iyo dadka ay difaacayaan ma kuwo gadaal ka iman doonaa mise waxay rabaan dalka oo cidla ah in gaaladu iska timaado? jawaabtu waa xaggiinna.
Kalmad kale waxaan leeyahay wiilasha ciyaal suuqa ah ee Yurub iyo Maraykan jooga iyo ninka duqa ah ee la yiri halkaasuu ku asaasaqay ee la yiri shaqo ma aado ee qol cidla ah ayuu kumbiyuuter kula sheekeytsaa oo websiteyada wax ku qoraya iyagu Ma Dameeri Dhaan Raacday baa mise Gaalada ay la joogaan ayaa mushahar ku siisa culumada caydeeda iyo wax ka sheeggeeda.? Maxaa yeelay waxaan og nahay in qaar kood aysan shaqana u dareerin cilmina baran, xitaa aysan reero yeelan iyagoo cumri ku jira, inta la og yahayna camalka ugu muhiimsan ee ay hayaanna yahay culimada oo la caayo, laguna been abuurto.
Tusaale yar:
Wiilka soomaalimidnimo ku soo qaray culumada Puntland waxay Dawladda Hoose ee Boosaaso kula Shireen Ashahaado la dirir iyo saana dhacday ma ogin ashahaado la dirir ay la shireene adigu waddanka gaalo ee aad joogto oo ku dhex nooshahay mushaharkana kugu siiya culumada caydeeda ma awliyo Allaa? maxaad iyaga wax uga sheegi la’dahay mise ajar aadan wax ka sheegga gaalada ku helayn ayaad ku helaysaa wax ka sheegista culumada? Nimankaa aad ha loo hubiyo hana la eego halka ay ku dambeeyaan.
Ugu dambayntii waxaan leehay wiilasha Maraykan iyo Yurub joogow haddii wax yar oo muslinimo ahi idin ku jirto (Iimaan weyn ma aha) culumada Ilaahay afka kala baxa oo gaalada aad la joogtaan wax ka qora haddii gaalo neceybka iyo Islaamnimo jaceylku idinka run yihiin iyadaa idinka badane, haydaydaan muslim ahayna waana sidaan tuhmayno e halkiinna ka miisa illeyn howsha aad heysaani waa shaqadii gaalada lagu yiqiine.
W/Q: Sh. C/Raxmaan Aw-Ciise

.gif)

