Shaqo gaalo lagu ogaa haddii qolo Muslim sheeganaysaa qabto sidee xaal noqonayaa?

January 10, 2012 - Written by

Ka dib Dilkii Shiikh. Dr Axmed Xaaji C/Raxmaan waxaa dad badan oo Soomaali ahi su’aal ka keeneen sheega shooyinka Ururka- Alshabaab ay horay ugu andacoon jireen in ururkaasi diinta u gar-gaarayo. Wixii ka dam beeyay dilkii ay urur ka Alshabaab u geysteen Shiikh Dr. Axmed waxaa dadka Soomiliyeed isu qaban weyday laba arrimood oo iska soo hor jeeda oo labadaba laga hayo ururkaas, kalana ah:-

1.Diinta ayaan u gar-gaarayaa , ummaddaan difaacayaa, waan jihaadaya.

2.Culumada ayaan laynayaa ninkii sheekh Dila waa mujaahid shiikha uu dilayna waa shahiid hadhowna kollay mujaahid iyo shahiid ma kala durkaane jannadey ku wada qaxweyn doonaan, isimada, Nabadoonnada, Aqoonyahanka iyo waxgaradka oo dhan waan sifaynayaa weliba jannaan ku doonayaa.

Arrintaasi dadka soomaaliyeed waa isu qaban weyday waxayna arrintu aad usii caddaatay markii ay Shiikha dileen (قاتلهم الله) Bulsha fara badan oo warkooda run moodaysay ayaa ku catowday (ha la rooraan run moodnay), ma saanay nimanku ahaayeen? been bay noo sheegeen iyo ereyo la mid ah.

Dilka ay shiikha dileen waxay indhaha u furtay ummad badan oo ku daba lunsaneyd, oo isla haddiiba  iska soo taagay ceebohoodana ku dhiirraday iyo in wixii xumaa ee loo qarinayey la qarin waayo  taasoo gaadhay in xaalka dhibaatada nimankaa ay bulshada ku hayaan lagaga doodo fadhi ku diriryada, halkii awal hore laga biqi jiray, taasina waxay tusaale cad u tahay, sida dadku ugu baraarugay xumaan tooda iyo in la isla arkay inay iyaga iyo gaaladu isku shaqo hayaan, iyadoo dad badan oo wax indha indheeya ay qabaan in ururkani gaalada u shaqeeyo ayna xubno sarsare ka yihiin rag ajande kale wata.

In dad sheeganaya in ay Islaamnimada difaacayaan loo maleeyo inay gaalo u adeegayaan ma ahan wax sahlan, hase yeeshee sida la wada og yahay ficilka ruuxu ka xoog badan hadalkiisa, waxaana Alshabaab lagu hayaa oo marag ma doonto ah ficil iyo hadal khilaafka u dhexeeya uu aad u weyn yahay. Waxaa in lagu dul nasto mudan ayna tahay in lays waydiiyo, aalaana dadku is weydiiyaan, haddii dalka gaalo qabsato maxay samayn laheyd gaaladu. ??

Gaal Ilaahay la col ah  oo kaa il helay waxaa laga filayaa halaag oo dhan iyo khay-darro fara badan, waana sidii cadow lagu aqoon jiray sida:

1.Dadka oo la laayo

2.Dadka oo la qaxiyo

3.Dadka oo la dhaco

4.Dadka oo la xir-xiro

5.Dadka oo khiyaarka laga qaado

6.Carruurta iyo haweenka oo la qarxiyo

7.Culumada iyo wax garadka si gaar ah loo laayo

8.Dadka oo diinta laga fasaadiyo oo la necbaysiiyo

9.Masaajidda oo lagu tukan waayo

10.Dadka oo la cabsi geliyo (waan ku dilaynaa IWM) Intaas uun bay gaalo qaban lahayd kama badna kamana yara Su,aal kale Al shabaab intaas ma qabteen oo gaalada ma uga hormareen mise ? Jawaabtu waa haa intaas oo masiibo iyaga ayaa gaalada uga hormaray. Hadaba waxa la is waafajin waayay, haddii Alshabaab laftooda is waafajiya la yiraahdana aysan is waafajin karin waxa ay tahay, mujaahid baan ahay iyo shaqadii gaal qaban lahaa baan muslinka ka qabanayaa. Hadaba  diinta ay ilaalinayaan iyo dadka ay difaacayaan ma  kuwo gadaal ka iman doonaa mise waxay rabaan dalka oo cidla ah in gaaladu iska timaado? jawaabtu waa xaggiinna.

Kalmad kale waxaan leeyahay wiilasha ciyaal suuqa ah ee Yurub iyo Maraykan jooga iyo ninka duqa ah ee la yiri halkaasuu ku asaasaqay ee la yiri shaqo ma aado ee qol cidla ah ayuu kumbiyuuter kula sheekeytsaa oo websiteyada wax ku qoraya iyagu Ma Dameeri Dhaan Raacday baa mise Gaalada ay la joogaan ayaa mushahar ku siisa culumada caydeeda iyo wax ka sheeggeeda.? Maxaa yeelay waxaan og nahay in qaar kood aysan shaqana u dareerin cilmina baran, xitaa aysan reero yeelan iyagoo cumri ku jira, inta la og yahayna camalka ugu muhiimsan ee ay hayaanna yahay culimada oo la caayo, laguna been abuurto.

Tusaale yar:

Wiilka soomaalimidnimo ku soo qaray culumada Puntland waxay Dawladda Hoose ee Boosaaso kula Shireen Ashahaado la dirir iyo saana dhacday ma ogin ashahaado la dirir ay la shireene adigu waddanka gaalo ee aad joogto oo ku dhex nooshahay mushaharkana kugu siiya culumada caydeeda ma awliyo Allaa? maxaad iyaga wax uga sheegi la’dahay mise ajar aadan wax ka sheegga gaalada ku helayn ayaad ku helaysaa wax ka sheegista culumada? Nimankaa aad ha loo hubiyo hana la eego halka ay ku dambeeyaan.

Ugu dambayntii waxaan leehay wiilasha Maraykan iyo Yurub joogow haddii wax yar oo muslinimo ahi idin ku jirto (Iimaan weyn ma aha) culumada Ilaahay afka kala baxa oo gaalada aad la joogtaan wax ka qora haddii gaalo neceybka iyo Islaamnimo jaceylku idinka run yihiin iyadaa idinka badane, haydaydaan muslim ahayna waana sidaan tuhmayno e halkiinna ka miisa illeyn howsha aad heysaani waa shaqadii gaalada lagu yiqiine.

W/Q: Sh. C/Raxmaan Aw-Ciise‏

ciise234@gmail.com

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Asalamu calaykum. sh c/rixman aw ciise khayr allaha ku siiyo.
    Waxaan oran lahaa, wacyi gelinta aynu bilownay kadib dilkee sheikha waxay ila tahay iney kaso daahday xiligeedi. dad badan oo cawaam ah ayaa runti is oranaya maanta! war talow culumadi dacwada gaar ahan bosaaso shalay ma naxariis bay u hayeen al shabaab marki sheikh axmed laga dilayna afkay furteen!! arintaasi dad badan baa is weydiiyay balse waxaan oran lahaa hal mid hala ogaado, culumada dacwada alaha barakeeye shalay naxariis gaar ah uma aysan qabin alshabab ee naxariis iyo nabadba waxay la jeclaayeen ummada somaaliyeed ee dhibaatada dheer so maray, iney dadka kala saar saaaran oo shabab ku xukumaan khawaarij iyo wax lamid ah waxa u diiday ma aha jaceyl iyo soo dhaweysay alshabab balse waxay ahyed in maslxada guud laga hormarsho faro ku taaga ninmankaas dhalinyarada u badan ee wax badan iska khaladanyahiin kuwa badana ay ka haleen ujeedadooda wadaday u mari lahaayeen. hal sano iyo badh kahor bay ahyed baan filyaa markii anoo safarada somaalida ee jeddah saudi arabia waxaan kulnay nin sheikha oo oday da’a ah oo ka yimid muqdisho xiligaas. waxayaabahi aan weydiyay baa kamid ahaa ragaan xaqiiqadooda madadam uu yahahy nin odaya oo xaalada la socday dalkii madaama uu ka yimid gaar ahaan muqdisho oo ahyed saldhigii xiligaas shabaabka. waxa uu igu yiri odaygaasi, alshabab ujeedada saldhiga u ah shaqada ay hayaan waa
    1) Dhalinyarada inta aan cilmiga diiniga ah aan si fiican u fahamin in laga dhaa dhiciyo waxyaabaha ay iyagu u arkaan iney ku gaari karaan u jeedooda. waxa uu ii sheegay badnaa dhalinyarada ay so xushaan in ay u badan yahiin. dhalinyarada ciyaal suuqa ah. kuwa caasi waalidiinka ah. kuwa waxbarashada loo diro oo aan siin iyo saaad kala saari karin. taasi waxay dhashay in wiil yar oo dhalinyara ah laga dhaa dhiciyo isku qarxi shirkaan jano inaad gasho intaas baa kaa xigtee. waana wax waaqiciyah oo dadka badankiis dareemi karo
    2) Dadka waxgaradka ah iyo culumada oo booska laga saaro si inta caamada ah looga dhaa dhiciyo fikirka ah alshabab.
    3) diinta in dadka la necbaysiiyo oo dadki aan loo kala saarinba waxa ay sameynayaan. kan shalay diinta so galay iyo kan jaahilka ah isku si ayeey loola dhaqmi.

    arimhaas odaygaasi ii sheegay waxa uu ii raacshay asaatamo badan oo runti xaqiiq ahaan ii ifisay xaqiqada ragaas. kumana dag dagine waan u fiirsday waa ayna soo baxday intii uu sheegay iyo in ka badanba. marka waxaan leeyahay culumada iyo ducaada khayr allaha idin siiyee ragaas falka xun wada iyo fidnada ka diga oo ummada u cadeeya xukunkooda. hada waxay ila tahay in marxalad adag oo incidaaf khatar ah la isala marayo waad la socotaan hanajaabadaha ay maalin kasta u hanjabayaan culumada. allaha xifdiyo culumada somaaliyeed meel walba ay jogaan xaqana ha waafajiyo marwalba iyo qawalka sawaabka h. illaahayna janadisa haka waraabsho sheikh axmed xaaj c/rixmaan amiin amiin

  2. Masha Allah AKHI, wa Qoral ad muhim u ah o ad ku Difaceesid Culamada Musliminta ah Illah haku Xifdiyo Akhi, Daddkan wa sida Ad shegtay hadi ay Muslim Yihin waxan o kale kuma Aysan dhiran lahen, ilah inta ka baqday Culumada no dhafa, hadi ad dhaafi wesana Ilah wax kale ha idinku salido, Jazakala Qoraga Maqalka Sh Abdiraxman Aw Cise

  3. HASHU MAANKEYGA GADDAYE MA MASAAR BAY LIQDAY

    Shekh Cabdi raxmaan aad ayuu ugu mahadsanyahay qoraalkiisa waxaan intaas ugu darilahaa shiikha

    Walaalaha qurbaha jooga ee taageersan Al-shabaab ee la jahraya inay taageeradooda aniga waxaanan markhaati ugabaahneen inay cidduun u shaqeeyaan oo diintaan iyo culimadeeda loosoo diray

    tusaale yar markaan idiin siiyo waxaad arkeysaa wiilyar oo ama school dhigta oo lagu leeyahay muddaa ladaba socdayoo sirdoon gaalo ayaa qabatay saadarteed meella laguma sheegi karo

    ganacsade ayuu ahaayoo airportka ayaa laga qabtay oo isna ethiopia ayaa loo gudbiyay

    Walaalkan qurbaha kunool oo weliba jooga meelaha ugu qatarsan ee islaamka lagala dagaallamo ee ama masaajidda kala jahraya taageerada ama bogagga internetka leh ee isagu gaalada xagooda macsuumka ka ah walaal maxaad ku sheegi lahayd saw shaqaale howl loo dirsday oo la ilaashanyo maahan

    Walaalkanse wiilasha Somalaaliyeed ee aan qaangaarka eheen ee laga yaabo inay agoomo yihiin somalia u diraya si ay isu qarxiyaan ee kuwiisiina waxbarasho u dirsanaya Walaal isna maxaad ku sheegi lahayd

    ALLOW WAXA AGA DAHSOON MARUUN DAAHA KAQAAD

Leave a comment

*