Shirkadda Tawakal 00 Aqoon is weydaarsi iyo Tababar ku saabsan ka hortaga lacagaha sharcidarada

January 7, 2012 - Written by

Tababaro iyo Aqoon is weydaarsi aad u qota dheer oo looga hadlayey ka hortaga lacagaha sharci darada ah ee aan kasab hufan ku iman iyo la dagaalanka lacagaha burcad badeedka ayaa maanta ku soo xirmay caasimada Garoowe ee Puntland. Tababaradan oo socdey muda afar casho ayaa waxaa lagu falanqeeyey arrimahan soo socda:Ilaalinta qawaaniinta caalamiga ah ee shuruucda khaaska ah ee Ganacsiga Hawlaha Lacagta (MSB)

  • Caddeynta lacagaha aan sharciyeysneyn,
  • Caddeynta la dagaalanka taakuleynta burcad badeedka,
  • Diiwaan gelinta ka ganacsiga hawlaha lacagta (MSB),
  • Fal qarsoodiga Bankiyada (Bank Secrecy Act, BSA),
  • Fal Wadaniyeedka Ameerika (USA Patriotic Act),
  • Aasaaska u hogaansamida shuruucda,
  • Barnaamija waafijinta shuruucda wakiilada:
    • Qorsheynta iyo Qaanuunka,
    • Ku magacaabida qofka waafajiyaha ah,
    • Barnaamijka tababarada,
    • Baaritaanka madaxa banaan ee sharciyada AML/BSA iyo u hogaansimadooda.
  • Dhawrista iyo dayactirka diiwaanada khaaska ah ee xafiiska mudo shan sano ah sida:

    • Warbixinta dhaqdhaqaaqa shakiga (SARS),

    • Warbixinta lacagaha (CTR),

    • Diiwaanka dalabka lacagaha,

    • Diiwaanka lacagaha la diro iyo kuwa la soo diro,

    • Aqoonsiga macaamiisha iyo macluumaadka ganacsigooda.

Tababarkan iyo aqoon is weydaarsigan ayaa waxaa ka soo qeyb galey hawl wadeeno iyo mas’uuliyiinta dawladda Puntland oo ay ka mid ahaayeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland; mudane, Maxamuud Xasan Aw Cismaan, Agaasimaha la dagaalanka Burcad badeedka; mudane, Cabdirisaaq Maxamed Dirir iyo Xisaabiyaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Puntland; Mudane, Cabdirisaaq Xasan Guul. Gebagebadii iyo Gunaanadkii Tababarkan aqooneed ee la dagaalanka lagacaha sharci darada ah ayaa waxaa lagu soo afmeeray in hanaanka iyo qawaaniinta u yaal Puntland iyo shirkada Tawakal in la ilaaliyo, lana waafajiyo qawaaniinta caalamiga ah ee ka hortagaha lacagaha aan sharciga aheyn.

Waxaa kasoo qaybgalay dhamaan agaasimayaasha  xarumaha Tawakal ee Somalia iyo wakiiladda  Tawakal  waxaana halkaas lagu  gudoonsiiyey  shahadooyin   ku saabsan  tababarkii ay qateen.

Maamulka Tawakal

Waaxda ilaalinta lacagaha

Minneapolis,Mn,USA

Www.Tawakalexpress.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online