Taliye Ibliis iyo Taajkiisa W/Q Suleymaan Maxamuud
January 25, 2012 - Written byLondon:-Shacabka Soomaaliyeed waxaa haystay dhib aad u farabadan, lagasoo bilaabo burburkii dawladdii dhexe,haseyeeshee, dhibaatooyinka haystay maalinba waji bay lahaayeen, oo kulligood isku wada mid ma ahayn, mid walibana middii ay ka horrey say ayaa ka fududayd, hase ahaatee waxay iska waafaqsan yihiin labo arimood, tan hore, dhibbanuhu mar walba wuxuu ahaa shacabka, tan kalana waxay tahay mar walba waxa loo adeegaa hal Taliye Ibliis.
Maanta marxaladdii ugu dhibka badnayd intii la arkay bay maraysaa hagardaamadii lagu waday dadka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed waxay jabsatay xuduud kasta oo la yaqaaney, Taliye Ibliiska maanta joogaa waa mid aan waxba xeeri nayn. Mucjisaduse waxay tahay, qolyaha shacabka laynayaa,barakicinayaa,gaajaysiinaya,hantidooda dhacayaa qaarna burburinayaa, qolo waliba magac ay ku dagaal gasho bay leedahay, taliye Ibliis u gaarana waa leedahay, balse miraha kasoo baxa howsha ay qabanayaan hal dhinac baa faa,iidadeeda iska leh waa dhinaca loo wada adeegayo oo ah taliyaha guud ee ciidamadan soo dirsaday.
Afeef:- Aragtid Maqaalka waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan
Halkaan ka akhri Maqaalkii TALIYE IBLIIS IYO TAAJKIISA
Halgan.net

.gif)

