Urur Gobaleedka IGAD oo sharci daro ku tilmaamay Doorashada Madoobe Nuunoow Max’ed

January 10, 2012 - Written by

Adisababa:-Warsaxaafadeed ka soo baxay maanta xafiiska Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee qalafsan oo ka dhex taagan xildhibaanada baarlamaanka DFKM wuxuuna  ugu horeyn soo dhaweeyeen horumarkii laga gaaray arrimaha Dastuurka iyo guulihii ay gaareen Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM waa sida ku xusan warsaxaafadeedkooda.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu xusay  in ay sharci daro tahay doorashadii  Madoobe Nuunoow Max’ed loo doortay gudoomiyaha golaha baarlamaanka DFKM waxay ku tilmaameen mid khilaafsan cahdiga ku meelgaarka ee DFKM

Urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay xildhibaanada DFKM in ay xaliyaan khilaafkooda ayna hergaliyaan heshiiskii Kampala, Road Map-ka iyo waxyaabihii ka soo baxay Shirkii wadatashiga ahaa ee ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.

Warsaxaafadeedka maanta ka soo baxay Urur Gobaleedka IGAD ayaa waxaa si buuxda loogu taageeray go’aankii ka soo baxay guddiga Amniga qaranka ee DFKM taasi oo looga soo horjeestay magacaabistii Madoobe Nuunoow Max’ed.Xildhibaanadii doortay Madoobe Nuunow ayaa waxay ku tilmaameen  kuwo canaasiir ah oo carqalad ku ah hannaanka nabadda Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online