Wasiirka Amniga Puntlland Col.Khaliif Ciise Mudan Ciidamo ayaan u diraynaa degmada Baargaal

January 28, 2012 - Written by

Boosaaso:.Waxaa maanat kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xarunta maamulka Gobolka Bari Wasiiro ka tirsan maamulka Puntlland iyo masuuliyiinta Gobolka Bari iyo taliyaasha ciidanka  Booliska , Kulankaan oo saxaafada loo diiday ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Amni ga Puntlland Col. Khaliif Ciisa Mudan , Wasiirka beeraha iyo waraab ka Puntlland Maxamuud Xaaji Saalax , guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdi samad Maxamed Gallan  , Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari Cimaan Xassan Af-dalow iyo Taliye ku xigeen ciidanka Booliska Puntlland Muxiyidiin axmed Muuse.

Kulanka saaka ka dhacay xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa looga hadlayey dilkii xalaya Degmada Baargaal loogu geystay Allaha u naxariis tee xilibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo ah xilibaan ka tirsan Golaha wakiilada Puntlland,xilibaanka ayaa waxaa dilay koox dhalinyaro ah oo rasaas huwisay gaar uu la socday xili uu soo galayey magaalada Baargaal.

Markii kulanka uu dhamaaday ayaa wasiirka amniga dowllada Puntlland Col.Khaliif Ciise Mudan uu saxaafada la hadlay waxaan uu sheegay in dowlladiisu ay adeegsan doonto awood Milateri si looga hortago amni xumida ,Wasiirka ayaa xusay in loo baahan yahay oo ay waajib tahay in la soo qabto kuwii dilka u geystay xilibaan Bile Maxamuud si cadaalada loo xorkeeno, Wasiirka amniga Puntlland ayaa sheegay in xilibaan Bile Maxamuud uu hordhac u ahaa wufuud ka socota dowllada Puntllan oo safar ku tegi lahayd degaanka Baargaal si ay u dhisaan gole degaan balse nin burcadbadeed ah oo magaciisa uu ku sheegay Xareed Ciise Cumar uu u soo diray dhalinyaradii ka danbaysay dilkii Xilibaanka .

Issimo iyo waxgarad ka soo jeeda degaanka Baargaal iyo Caluula ayaa ka codsaday dowllada Puntlland in aysan qaadi talaabo ciidan balse ay odayaasha u daayaan bal si xal ay uga keenaan arrinkaas foosha xun , Issimada iyo waxgaradka ka soo jeeda degmada Baargaal iyo Caluula oo shir ku qaatay magaalada Boosaaso ayaa canbaarayn kulul u soo jeediyey dilkii lagula kacay xilibaan Bile Maxamuud Yuusuf.

Dhamaan Golayaasha Dowllada Puntlland oo uu ugu horeeyo ku simaha Madaxweynaha Puntlland ahna madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen. Cabdisamad Cali, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntlland, Golaha wakiilada Puntlland ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday xilibaan Bile Maxamuud Yuusuf iyo dhamaan shacabka Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online