Xaggee ku Jirtaa xalka Mushkiladda Soomaalia Sh.Maxamed Cabdi Umal (Daawo)

January 26, 2012 - Written by

Cap-town:-Waxaana caawa idiin soo gudbineynaa muxaadaro uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal Ka jeedshay Mutamarkii lagu qabtay dalka South Afrika oo ay ka geyb galeen culumo dhowr ah Muxaadaradan ayaa waxay si gaar ah uga hadleysaa halka uu ku jiro xalka Muskilada dalka Soomaaliya oo uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal si wanaagsan uga hadlay.

Halgan.net ayaa horey u gudbisay muxaadaraadkii ay culumada ka jeedsheen Mutamarka South afrika hoos ka daawo Muxaadarada Sheekh Umal xafidahulaah.

Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. Marka hore salaan kal iyo laab ah ayaan leeyahay as/c/w/w walaalaha maamula shabakaddan Halgan. Ilaahay khayr ha idinku abaalmariyo sida wanaagsan ee aad noogu soo gudbisaan muxaadarooyinka iyo tawjiihaadka culumadu bixineyso. waxaan idiin sheegayaa inaan marwalba booqdo Halgan cilmi badanna aan ka helo mar kasta. Haddaba waxaan goostay inaan soo gudbiyo dareenkayga si aan walaalaha ula qaybsado, iyo su’aalo marwalba aan isweydiiyo oo la xiriira mushkiladda Somaliya iyo waxa xalkeedu yahay, sida Sheikh Umal ugu iftiimiyey muxaadaradan.

    Waxaa xaqiiqa ah sida Sheikhu sheegey in mushkiladda Somaliya ay Somalidu gacanteeda ku kasbatay, welina ay gacanta kula jiraan sidii waddanku ukala goo go’i lahaa. Waxaan haddaba ka xumaadaa markaan arko (anoo og in dad badani ila qabaan dareenkan) ama aan maqlo maamul hebel ama (states) baa la sameeyey iyo sida waddankii loo sii kala jejebinayo oo gaalo gacanta loogu gelinayo. Haddaba waxaa ka dambeeya ama loo adeegsanayo dhisidda maamul goboleedyadan faraha ka baxay waa mabda’a qurunka ah ee Qabyaaladda, iyo in la kala fogeeyo ummaddan Ilaahay ka dhigey halka qoomiyad oo wada Sunna muslimiin ah.

    Waxaa dhab noqotay oraahdii ahayd ” Dowlad xumi dowlad la’aan bay dhaantaa”. Markay dhacday dawladdii Somaliya 1991 oo ummaddii iskhilaaftay isna laayeen, kalana irdhoobeen sow cadawgood gacanta uma gelin oo haddana uma talin. Muddo aan ka fogeyn xilligaas ayaa Somali cadawgeed inta shireen waxay usoo jeediyeen wax talo ku sheeg ah ama (meno of options). Waxaa ka mid ahaa talooyinkaas in Somalidu qaadato nidaamka Federalka ah maadaama aysan waqtigaas ku heshiin karin dowlad dhexe oo xoog leh. Haddaba dhisidda maamuladan faraha badan waxay salka ku hayaan luggooyada iyo faragelinta shisheeyuhu ku hayaan waddanka. Waxa hadda faraha lagula jiro waa kala tag iyo goo go’ heerkii ugu hooseeyey (decentralisation)ee ummad ku dhaca.

    Haddaba, culumadeenna muxtarimka ah oo har iyo habeenba aan ka daalin xaqa sheegistiisa iyo in Ilaahay cibaadada loo khaalis yeelo ayaan ka codsan lahaa in naloo badiyo muxaadarooyinka, dadkana looga nasteexeeyo nidaamyadan ay gaaladu noo yeerisey oo ummadda lagu kala qoqobayo.

    Ugu dambayn, ra’yigeygu waxaa weeye mushkiladda Somaliya asalkeedu waa caddaalad darro iyo sadbursi xalkeeduna waa shareecada islaamka sida culumadu markasta na xasuusiyaan kutubkana ilaahay noogu sheegay.

  2. Assc.
    Shiikh Umal iyo wadaadada xaqqa ka hadlaa way wada mahadsan yahiin.Waxa ay markastaba ka hadlaana waa waajibaad ka saaran diinta Ilaahay (swt) iyo ummadihiisa muslimiinta ah.
    Intaas kabacdi waxaan raadinayaa taleefoonka Shiikh Umal ama haddii uu jiro qof yaqaan cinwaankiisa ah E.mail addreeskiisa.
    Mahadsanidin.
    Waayeel75

  3. jzkh sh umul ilahay haku xafido

  4. Asc,muxadaradan anaa fadhiyay cajaa,ib bay lahayd

  5. ilaahay ha ka abaal mariyo sheik maxamed cabdi umal muxaadaradan qiimaha iyo qaayaha badan oo uu inoo see jeediyay ilaahay inagana ha inaga yeelo kuwo fahma qaatana muxudaradan waxaana u mahad celinayaa culimadda ka soo shaqaysay wa bilaahi towfiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiq

Leave a comment

*