Xildhibaan Madoobe Nuunoow Maxamed oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlmaanka DFKM

January 4, 2012 - Written by

Muqdisho:-Baarlamaanka DFKM  ayaa galabta u doortay gudoomiyaha cusub xildhibaan Madoobe Nuunoow Maxamed kadib cod bixin ka dhacday xarunta Golaha Shacbiga ee magaalada Muqdisho.

Doorashada gudoomiyaha oo ay isu soo taageen shan murashax ayaa wareegi koowaad waxa uu kusoo gaba gaboobay iyadoo uu ku hogaaminayey Mr Nuunoow 130 cod, halka xildhibaanada kusoo xigay oo kala ahaa Xuseen Cumar, Sheekh Nuur Cali Aadan, Cali Afgooye iyo Maxamuud Macalin Yaxye ay kala heleen cododka 33, 16, 16 iyo 68 cod.

Wareegi labaad oo ku soo aaday maqribki ayaa ka dhigay in ay u tana sulaan xildhibaanada la tartamayey Madoobe Nuunoow maadaama uu si weyn uga horeeyey, waxaana inta aanan la galin wareega labaad si toos ah libinta loo siiyey xildhibaan Madoobe Nuunoow oo sidaasi ku noqday gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka.

Xildhibaan Madoobe Nuunoow oo hadal ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay xilka loo dhiibay, isaga oo sheegay inuu si sax ah u gudan doono mas,uuliyada la saaray.

Beesha caalamka ayuu ka codsaday durbadiiba in ay la shaqeyso taageerana siiso baarlamaanka KMG Soomaaliya. Hadalkiisa ayuu ku xiray in uu dib kasoo sheegi doono waqtiga la qaban doono shirka xiga ee isaga lagu dhaarin doono laguna soo dooran doono gudoomiye ku xigeenka koowaad.

Gabagabadii munaasabada ayaa marki farxad iyo sacab lagu kala dareeray ciidamada AMISOM oo amaanka sugayey goobta ka galbiyey gudoomiyaha cusub iyaga oo ku qaaday gaadiidka gaashaaman ee lagu yaqaano madaxda in lagu kaxeeyo.

Waxaanan la ogeyn habka ay uga hadli doonaan madaxda kale ee dowlada oo horay u cambaareeyey xil ka qaadisti 13-ki bishi hore lagu sameeyey gudoomiyi hore Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online