Xilibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntlland oo lagu dilay degmada Baargaal.

January 27, 2012 - Written by

Bargaal:Waxaa galabta lagu dilay Allaha u naxariistee degmada Baargaal ee Gobolka Bari Xildhibaan  ka tirsan Golaha wakiilada ee Puntlland xili ay rasaas ku fureen gaari uu saarnaa ka dib markii ay murmeen niman maleeshiyo ah oo hubey san, xildhibaan ka ayaa u geeriyooday rasaasta lagu furay gaarigii uu saarnaa halka darawalkii gaariga u waday uu soo gaaray dhaawac.

Kooxda maleeshiyaadka ah ee xildhaanka dilay ayaa la aqoon sababta ay u dileen xildhibaan ka soo jeeda Bariga fog gaar haan degmada Caluula iyo Baargaalba balse dilka xilibaanka ayaa ah mid salka ku haya arrin siyaasadeed oo ay ku lug leeyihiin rag siyaasiyiin ah oo ka biyo diidsan qodobo ka soo baxay shir ay beesha degta degmada Baargaal la qaateen Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole.

Xilibaanka lagu dilay galabta degmada Baargaal ayaa lagu magacaabaa Allaha u naxariisteen Bile Maxamuud Yuusuf isagoo isla maanta ka soo baqoolay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari si uu u soo booqdo qoyskiisa oo deganaa degmada Caluula, Masuuliyiinta dowllada Puntlland ayaan ilaa hadda ka hadal falka dilka ah ee maanta lagula kacay xilibaan ka tirsan Golaha wakiilada ee Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online