3 ruux oo meyd ah oo saaka lagu arkay Koonfurta magaalada Gaalkacyo

February 3, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka waabarigii  lagu arkay Koonfurta magaalada Gaalkacyo  ilaa 3 ruux oo meyd ah kuwaas oo ay toogteen ciidamo ka tirsan  maamulka Gal-Mudug. 3-da qof ee saaka lagu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa qabtay ciidamada Amaanka ee maamulka Gal-Mudug kuwaas oo ku soo qabtay markii ay howlgalo sameeyeen ka dib qaraxii lagu weeraray  guriga Jen Cabdi Cawaale Qeybdiid taliyihii hore ee ciidanka Booliska DFKM .

Wasiir ku xigeenka  arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Gal-Mudug Axmed Max’ed Baasto ayaa xaqiijiyey in dhalinyarada ay dileen ciidanka Galmudug wuxuuna sheegay in lagu degdegay oo la rabay in la baaro ka dibna la keeno Maxkamad.  Wasiir ku xigeenka  arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Gal-Mudug Axmed Max’ed Baasto ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen dad rayid ah wuxuuna tacsi u diray eheladii ay ka dhinteen 3-da ruux ee lagu dilay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Waxgaradka iyo Maamulka Galmudug ayaa kulan uu haatan uga socdaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug iyaga oo ka wada hadlaya dhacdada ka dhacday saaka Koonfurta Gaalkacyo. Waxaa soo baxaya warar kale oo sheegaya in tirda dadka saaka lagu dilay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ay gaarayaan ilaa 5 qof oo uu ku jiro ganacsade caan ka ahaa Koonfurta magaalada  Gaalkacyo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online