Al-shabaab oo ku goodiyey in ay sii wadayaan weerarada ay la beegsanayaan xarumaha DFKM

February 9, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay inay sii wadayso dagaalka iyo qaraxyada ay la beegsanayaa xarumaha DFKM iyo ciidanka AMISOM ka dib weerar is qarxin ah oo shalay lagu weeraray Baar Fatxi oo ku yaal Hotel Muna ee magaalada Muqdisho, Hotel Muna ayaa ku yaal xaafada Xamar weyne waxaan deganaa Xilibaano ka tirsan DFKM. Hotel Muna ayaa xiliga shalay qaraxu ka dhacay waxaa dadka la qarxiyey ay ku shaahaynayeen Baar Fatxi oo ku dhexyaal Hotelka waxaa ku dhintay in ka badan 15 halka in ka badan 30 qofna ay ku dhaawacmeen , weerarka ayaa waxaa khasaaro ka soo gaaray dad iyagu fadhiya Baar Fatxi  halka xilibaanada dhaawacmay weerarku ay gaarayaan labo 2 xilibaan.

Afhayeenka u hadlay ururka Al-shabaab, Sh.C/casiis Abuu-Muscab ayaa ku goodiyey in ay weerarada ay ku hayaan xarumaha DFKM ay socon doonaa, Afhayeenka urruka Al-shabaab Abu Muscab ayaa xusay in weerarkii xalay lala beegsaday Xilibaanada DFKM iyo ciidamo sirdoon  khasaaro xooghgan ay gaarsiiyeen.

Weerarkan lala beegsdaya Hotel Muna aya waxaa uu noqonayaa weerarkii labaad ee ciidanka Al-shabaab ay ku beegsadaan Hotelka ,bishii Agoosta ee sanadkii la soo dhaafay ayaa weerar ay al-shabaab ku qaadeen Hotel Muna waxaa ay ku dileen xilibaan ka tirsan DFKM.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online