Banaanbax lagu taageerayo ku biiritaan Al-shabaab ururka Al-Qaacid oo ka socda degaanka Ceelasha Biyaha

February 13, 2012 - Written by

Afgooye:-Banaanbax lagu taageeryo ka mid noqoshada ururkii Al-shabaab ay ka mid noqdeen ururka weynaha Al-Qaacid ayaa abaabulkiis waxaa xalay ilaa saaka uu ka socdaa duleed ka magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka Ceelasha biyaha, ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa saaka sugaya amaanka Barxada weyn ee Calamada ee u dhexeysa Muqdisho iyo degmada Afgooye. Banaan baxa ayaa la filayaa in ay ka hadlaan masuuliyiin ka tirsan ururka Al-shabaab soona dhaweeyaan ku biiritaankooda ururka Al-Qaacida oo uu usbuucii hore ay ku dhawaaqeen, dadwey naha ka qayb galay banaanbax ayaa waxaa ay iskugu jiraa arday skuul , ardayda dhigta dugsiyada quraanka ,ganacsato.

Dhamaan dhaqdhaqaaqii gaadiidka iyo dadweynaha ayaa hakad la geliyey wxaaan  dadweynuhu ay iskugu soo aruurinayaan  Barxada weyn ee Calamad si dadku ay uga qayb qaataan banaanbax lagu taageerayo ku biiritaanka ururka Al-shabaab  ay ku biireen ururka Al-Qaacida. Dadweynaha iyo arday fara badan o sita boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhagyo lagu taageerayo ku biiritaan ururka Al-shabaab ee Al-qaacid ayaa hadda ku sugan Barxada Calamad.
A/cawaale
Halgan.net

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Waxaa wax aad looga yaabaa in hada laga dhigo markii ugu horaysay oo shabaab ku biraan qaacid awalba soow isma ahayn ama hada hasheegen ama ya sheegine.anigu waxaan soomali kula talin lahaa dadkaa waal waalan oo isbiirsaday ha la xaaqo dalkana ha laga sifeeyo dadkeena intay wasakheyeena ha laga dhaqo oo ha ladahiriyo

  2. Assalaam alaykum Waraxmatullahi Wabarakaatuh bismillah hadii aan ka wax ka dhaho arinkaa waxaan is lee yahay waa laba shey oo kala ah shacabka soomaaliyeed ee ka banaan baxayaa goobahaa waa iska dad masaakiin ah oo layska haysta ee aan lahayn xoog ama quwad ay wax ku diidaan ama ayku ogolaadaan mida kalena waa dad sheeganayo in ay ku biireen alqaacida waa arin sida run ahaan tii aan ku tilmaami karo maahmaahdii aheyd nin daad qaadey xunbo cuskay wax kale hada weyn oo laga dhihi kara malaha

Leave a comment

*