Banaanbax weyn oo laga hortegay Xisbiga English Defence League EDL oo ka dhacay Leicester.(Sawiro)

February 4, 2012 - Written by

Leicester:-Kumanaan ka mid ah bulshada ku nool magaalada Leicester  ayaa kala hortegay banaanbax weyn kooxda English Defence League EDL oo ah koox Nazi ah oo neceb dadka ajaanibta ah kuna dooda in ay ka soo horjeedaa dadka muslimiinta ah ee ay ugu yeeraan Xagjirka , kumanaan ka tirsan ciidanka Booliska ee magaalada  Leicester  oo loo carbiyey in ay ka hortagaan banaanbaxyada rabsahadaha wata.

Kooxda English Defence League EDL ayaa maanta oo sabti ah ku balamay in ay banaanbax ka dhigaan magaalada Leicester oo ah magaalo ay aad ugu badan yihiin dadka Muslinka ah kuana leeyihiin Macaahid iyo Masaaji´do waaweyn,Kooxdaan English Defence League EDL ayaa horay iskugu dayey in ay banaanbaxyo ka sameeyaan magaalooyin kale oo ay ku badan yihiin dadka muslinka ah gaar ahaan magaaloo yinka Birmaham iyo Manchester iyagoo halkaas kala kulmay banaanbaxyo looga soo horjeedo.

Saraakiisha Ciidanka  ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta masaajida waaweyn ee magaalada Leicester  iyagoo masaajida keenay ilaalo gaar ah  dhinac dowlada Hoose iyo Skuulada ayaa waraaqo iyo fariimo u diray dadka shacabka ah iyagoo ku wargedliyey in xisbiga English Defence League EDL uu maanta oo sabti ah banaanbax ka dhigi doono magaalada Leicester.

no images were found

Bulshadac ku nool magaalada Leicester ayaa mehrajaano ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan in xisbiga English Defence League EDL in ay banaanbax kka dhigaan magaalada Leicester ku muujiyey, dadka banaanbaxa kala hortegay ayaa waxaa ay ku qaylinayeen ma doonayno EDL ,dadka Leicester waa mid , uma baahnin xisbi Nazi ah oo dadka kala saaro. bulshada Muslinka ah iyo kuwa Soomaalida ayaa maanta taxdar ka muujiyey iyo sida ay uga soo horjeedaa Xisbiga English Defence League EDL.

Ciidanka Booliska magaalada Leicester  iyo ciidamo lagu soo xoojiyey ayaa si aad ah u sugayey maanta amaanka guud ee magaalada gaar ahaan Centerka magaalada oo ah goobta ay banaanbaxayaashu iskugu soo baxeen iskagana horjimaadeen.

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online