Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM oo qabsaday degmada Bardaale

February 22, 2012 - Written by

Baydhabo:-Ciidamada dalka Itoobiya oo bari taaraya kuwa DFKM ayaa saaka qabsaday degmada Bardaale  ka dib markii ay shalay ciidamada al-Shabaab baneeyeen deegaanadaYurkud  iyo bohol Bashiir iyo Bardaale.  Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ayaa haatan ku sugan Degmada Bardaale waxaana jira dhaqdhaqaaq ciidan ay wadaan ciidamada Itoobiya iyaga oo doonaya in ay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay halkaas oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

Warar ka imaanaya magaalada Baydho ayaa sheegaya in ay ka jirto xaalada kacsanaan ah iyada oo ay dadka rayidka ah ay bilaabeen in ay u qaxaan dhanka magaalada Muqdisho iyaga oo ka cabsi qaba ciidanka Itoobiya ee duulaanka ku soo qaaday gobalada Bay iyo Bakool.

Ma aha markii ugu horeysay ay ciidamada Itoobiya duulaan ku soo qaadaan deegaano nabada ah oo ay ka taliyaan Islaamiyiinta balse waxaa la wada dhowrayaa in ciidamada Itoobiya ay heysan karaan magaalooyinka waaweyn marka ay ka baxaan Ururka Al-Shabaab.

Warar hoose oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dajisteen qorshe ay ku faarujinayaan dhamaan magaalooyinka waaweyn si loo yareeyo khasaaraha soo gaaraya ciidankooda iyo dadka rayidka ah taas oo naafeyn doonta ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online