Ciidamada nabad sugidda ee DFKM oo qabtay gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa

February 18, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ciidamada nabad sugidda ee DFKM  ayaa maanta ku qabtay magaalada Muqdisho  gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo ninkii waday waxaana lagu qabtay gaariga isgoyska KM-4.Taliyaha ciidanka nabad-sugidda ee gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga oo uu noociisu ahaa Runet la doonayay in lagu fuliyo weerar is-miidaamin ah wuxuuna sheegay in dadka deegaanka ay soo wargaliyeen markii ay gaariga ka shakiyeen

Ciidanka Nabadsugida ee DFKM ayaa waxaa kale oo ay soo bandhigeen sidoo kale  jaakad kuwa la isku qarxiyo ah iyo ninkii watay isaga oo saxaafada la hadlay ninka la qabtay ayaa sheegay  in gaariga uu u soo dhiibay sarkaal ka tirsan  Al-Shabaab oo ku sugan deegaanka Ceelasha biyaha magaciisana uu ku sheegay Cabulaahi.

Waa markii labaad isbuucaan gudahiisa oo ay ciidamada DFKM ay gacanta ku dhigaan gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa iyada oo shalay sidoo kale ay qabteen gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa .

Afhayeenka howlgalada ciidanka Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay maanta in ay kordhin doonaa weerarada iyo qaraxyada ay la beegsanayaan xarumaha ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM wuxuuna ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay ka fogaadaan xarumahaas gaar ahaan kuwa ku yaal isgoysyada Bar Ubax, Fagax, iyo xarunta CID-da oo ku taal KM4

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. nin daad qaaday xumbo cuskay aaway Alaskaan qabsan iyo hawlgalkii loogu magacdaray “nihaayatul-muctadiin ” tabar ma waxay ka noqotay inay qaraxyo aan cidina loogu aaboyeeleyn lagu hanjabo…sidaad xamar uga hulleesheen ayay taasi cadeyneysaa laakiin waxaan ka xumahay in maanta raadka aad ka tagteen ee soomaali aan oollini uu noqday khuraafo shiico iyo gaalo waddankii isugu timid, waxaas oo fitan ahna qoorta waxaa ay ugu duubmi mabda,a Alqacidda ee kuwa agentiga u ah waa Alshabaabe…

Leave a comment

*