Ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya oo ku soo qulqulaya deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool

February 19, 2012 - Written by

Baydhabo:-Xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan ayaa saaka waxaa laga dareemayaa Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, halkaa oo ay ku soo wajahan yihiin ciidamo itoobiyaan ah oo ay weheliyaan kuwa DFKM sida ay xaqiijiyeen dad socota ah ciidamada Itoobiyaa ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada guud ahaan gobalada Gedo iyo Bay iyo Bakool .
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ayaa la sheegay in ay soo gaareen duleedka Degmada Yeed waxaana ay cabsi soo wajahaday dadka rayidka ah ee ku dhaqan Degmada Yeed.

Gudoomiyaha Degmada Ceel Barde ee DFKM Ibraahim Cumar Dheere, ayaa sheegay in ay doonayaan in ay Al-Shabaab ka qabsadaan deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool isaga oo ku eedeeyey Al-shabaab in ay dhibaato ku hayaan shacabka ku dhaqan gobalada Bay iyo Bakool .

Afhayeenka howlgalada ee Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa wacad ku maray in ay si adag isaga difaaci doonaan duulaanka ay soo wadaan ciidanka Itoobiya isaga oo sheegay in ay ka war hayaan dhaqdhaqaaqa ciidanka itoobiya waxaana uu ugu baaqay shacabka Bay iyo Bakool in ay ka qeyb qaataan difaaca dalka iyo diinta.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online