Ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM oo qabsaday magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay

February 22, 2012 - Written by

Baydhabo:-Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Soomali ah oo la socda ayaa saaka qabsaday magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ka dib markii xalay ay magaalada si nabadgelyo ah uga baxeen ciidankii Al-shabaab ,Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa magaalada Baydhabo u ahayd xarumaha uga waaweyn ee ay ka taliyaan waxaan ay ka talinayeen mudo dhowr sano ah.

Dadweynaha ku nool magaalada Baydhabo ayaa qof walba uu ku xerooday gurigiisa iyagoo ka cabsi qaba Ciidamada huwanta ah ee saaka soo galay magaalada ,ciidamo Soomaali ah oo ku soo horeeyey magaalada Baydhabo ayaa xabado fara badan ku furay magaalada.

Ciidanka Itoobiyaanka ee taageerayey kuwa Soomalida ayaa waxaa ay hadda ku sugan yihiin duleedka magaalada Baydhabo waxaan ay fariisamo ka samaysteen Airporta magaalada Baydhabo iyo Koontaroolka Al-axmaar, dhamaan waxaa is taagay dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo isku socodka magaalada waxaan ay dadku ku jiraan gurya hooda  halka kuwa kalena ay magaalada ka qaxeen.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah hoggaamiyaasha la socda ciidanka Itoobiyaanka ah ee qabsaday magaalada Baydhabo iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin magaalada ayaa sheegay in magaalada ay ka samaysteen fariisamo, ciidamo Soomaali ah oo sheegay in ay taageersan yihiin DFKM oo wata gaadiid dagaal ayaa gacana ka hellay ciidanka Itoobiya ayaa shalay dagaal kula galay degmada Bardaale oo 50 KM u jirta magaalada Baydhabo ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Masuuliyiintya Ururka Al-shabaab ayaan ilaa hadda ka hadal qabsashada ciidanka Itoobiya ee magaalada Baydhabo iyo weliba ka bixitaanka ay magaalada ka baxeen ciidankooda.

A/Cawale
Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. Ilaahay subxaanahu watacaalaa shabaab bceebtooda inuu muujiyo oo asturkii ay isku qarinayeen ka soo saaro ayuu ku tala galay cid kasta oo ka been sheegta diinta ilaahayna ilaahay ceebtooda ayuu muujiyaa umadana xaqiiqadooda u cadeeyaa ilaah jalla wacalaa ayaana ku mahdsan, shabaab lafahooda ayay la cararaan mar walba umadana uma turaan, ramadaankii labaad ayay waxay qaadeen xamlo dagaal oo ay ugu yeereen NIHAAYATUL MUCTADIIN markaasay umadii soomaaliyeed ee ilaahay u soomanayd ku baabi’iyeen, akhiiranna lafahoodii ayay xamar kala carareen xitaa waxaa dhacday in raggii culimada ahaa ee iyaga la socday iyagoon u sheegin ay habayn madaw ka guureen oo culimadii ay sigteen oo la qaban gaaray sida jaamac c/salaan,walaalayaalow ilaah baan idinku dhaarshee haday diin ilaahay iyo umadda difaacayaan maxay lafahooda ula cararayaan oo umadda uga tagayaan waxay iyagu ka carareen?! waa yaab aduun, maalinkii culimadu xamar isugu tageen ee ay talooyinka dhaxal galka ah u soo jeediyeen shabaab ee ay ku gacan sayrayeen wadanka gaalo waxaa ka joogay wax yar oo ugandha ah maantana waxaa ku jira wadanka ugaandha,burundi,itoobiya,kenya,iyo kuwo kale oon la garanayn oo fara badan,jihaadka waxaa loo jideeyey in masaalix lagu xaqiijiyo mafaasidna lagaga hortago, waxa shabaab wadaan jihaad ma ahan marka ay culimadu leeyihiinna waxay u cuskanayaan qaacidada ah AL MASAALIX WAL MAFAASID, caqli xumada iyo caqiida xumada shabaab waxay keeneen inay dhibaatadii iyo culayskii umadda ku sii badiyaan, ka dibna ay lafahooda la cararaan!!.
    suufiyadii iyadoon ul xitaa loo qaadan diin iyo xikmad lagu baabi’iyey iyagaa soo nooleeyey, word looradii iyagoo kuwii hore ka da’ yar ayay soo celiyeen, gaaladii waa sii badiyeen, umadii soomaaliyeed ilaa diinta ilaahay ku qanacday diintii ayay nacsiiyeen, bal intaas oo lugooyo iyo dhibaato ah inta sameeyeen ayay hadana leeyihiin cidii aan sidaas nagu raacin waa gaalo ama gaala raacyo, iskaba daa taase waxay marayaan inay culimadii ku laayaan maxaad khaladkayaga u sheegteen, walaalayaal intaasoo shay iyo wax ka sii xun ayaan samaynayaa diin baana u dirirayaa ma is qaban kartaa!! jawaabtu waa maya, shabaab ilaahay ha na dhaafiyo wax ka khayr badanna allaah ha noogu bedelo umaduna ha ka tashato shabaab.

  2. alshabab waxa ku dhacdey inkaarti culumada, maalintay cadeysteen dilka culumada ayaa kuwaas balaayo ku habsatay, shalay marki lalahaa war talada dalkaan iyo ummadan uso jeesta oo iska dhaafa rabshada iyo burburka aad horseedaysaan waxay ku andacoonayeen mujaahidiin baan nahay oo gaalo itoobiya u horeyso ayaan diinta ka difaacaynaa, culumada wax u sheeegaysana ama leh war qorshe fican mesha kuma haysaane wax iska badalana waxay lahayeen gaalo raac iyo culumo xun baad tahiin, hada dadka waxa uso baxay in shabab aysan aheyn dad doonaya u gargaarida diinta alle iyo ummada islaamka ah ee ku rafaadsan somaaliya waayo marba haddi ay baydhabo itoobiya so gasheen oo oga baxeen maxaa so haray oo la isku haystaa? waxaan ilaahay ka rajeyn kuwa kumeel gaarka sheeganaya iney caqliyeystaan oo dalkooda ka si dadgdag ah oga saaraan cadowga somaaliyeed ee itoobiya. rabbi talo ku filan

  3. yaab badanaa…
    Nimanyohow waxa aniga iga dhaadhici la, ee aan la,ahay wax iga qanciya waxa weeye nimankaan shabaab maxay ula dagaali waayeen Axmaarada qabsatay xaruntoodii baydhabo ee 3da sano ay kasoo talinayeen, ilaah baan idinku dhaarshaye xagee kale oo ay difaacayaan hadiiba ay baydhabo iyagoon xabad qush ka siin ka huleeleen,,,maxaa loo lugoynayaa caruurta masaakiinta ah oo loo leeyahay dal iyo diin baa la difaacayaa, saw raganimo ma ahaateen in aad dagaalanto oo meeshii lagaa qabsanayo ay noqoto meel aad ku dagaalanto ood cudurdaar dhameysey xagee kalese oo ay ku baaba,ayaan hadiiba baydhabo ceebtaas ka raacdey aaway abuu mansuurkii la sheegayey ee dorraad u hambalyeynayey geesiyaasha reer bay iyo bakool..

    Waxa is weydiin leh xamar baa laga qaxay oo la yiri xeelad dagaal baan uga baxnay illaa iminkana aysan lug soo dhigin beledweynaa laga qaxay oo iyadana la yiri xeelad dagaal baa looga baxay b/xaawo luuq iyo melo kale intubana sidaasaa la lahaa, gaaladii ayaa dhulkii soomaaliyeed lagusoo uruuriyey hadana waa laga sii cararayaa diin iyo dal baanan difaaceynaa bal idinku taas isu keena waxaanse la yaabay waxa u ku kala duwan yihiin ciidanka itoobiya iyo kuwa amisom ee itoobiyaanka looga sii cararayo..wallee timir laf baa ku jirta

  4. aslamc
    waa arin aan filanayay misana aan aad oga naxay,
    1:wan filayay tala xumada shabaab in ay tani keeneyso
    2:wan ka naxay oo waxaan arkaa itoobiya o ay dadbani maanta u arkaan kuwo somali xoreenaya ,
    wallaahi galitaankii itoobiya xilligii maxkamadaha waxaa ka xun kan maanta , dad badan oo somaliyeed ayaa maanta waxey u arkaan ITOOBIYA IN AY WEERAR KUTAHAY KOOX GOONI AH ,
    xiligii maxkamadahase waxaa loo arkay cadow duulaan ku umda somaliyeed oo dhan,
    waxaana sabab u ah alshabaab in dadbadan rayiga noocaas qaataan,

    laakin mid ogaada ALLAAH WAXII UU UQARAY UMBAA KU DHACAYA UMADA SOMALIYEED,
    xasbunallaah wanicmal wakiil ayaan leenahay ,
    waxaana allaah ka baryayaa in uu noo soo saaro,
    1:culimo geesiyaal ah
    2:dhaliyaro isku darsatay geesinimo,tala raacnimo,iyo taqwallaah
    2:shacbi heegan u ah difaaca DIINTA DADKA IYO DALKABA.
    ALLAAH WAXAAN KA BARYAYAA IN UU BADBAADIYO SHACBIGAAS IYO DHALINTAAS KU BIIRTAY KOOXAHAAN IYAGOO ISLEH U GARGAARA DIINTIINA,
    DAN IYO XAAJO KALENA AAN WADAN , ALLAHAYOOW U SOOSAAR KUWO KU HOGAAMIYA CAQIIDO TOOSAN IYO JIHAAD SHARCI AH ,
    ALLAHAYOOW NACAFI OO NOO GAARGAAR OO KHABAR FARXADLEH NOO GU XEJJI MIDKAN MURUGTA LEH AAMIIN,
    WABILLAAHI TOWFIIQ

  5. Waxaa haboonayd inta ay Alshabaab sugayeen ciidamada itoobiya inay heshiis la galaan oo si nabad ah ugu wareejiyaan magaalada ciidamada ku meel gaarka.
    Waxaa ila haboon mar hadday banaynayaan magaalooyinka inay la heshiiyan Ku meel gaarka iyagana ay magaaloyinkooda joogaan oo aysan gacanta u gelin Itoobiya iyo wax la mid ah.

Leave a comment

*