Dagaal u dhexeeya Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab oo ka socda duleedka magaalada Muqdisho

February 14, 2012 - Written by

Afgooye: Dagaal u dhexeeya ciidanka AMISOM iyo ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa dhawaan ka qarxay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Sarkuusta iyo Jaamacadda Shabelle ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo DFKM ay fariisamo ka samaysteen degaankaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab oo ku sugnaa degaanka Sarkuusta ee duleedka magaalada Muqdisho iyo ciidanka AMISOM oo ku soo dhawaaday ayaa sababay in dagaal uu ka dhex qarxo, dagaalka xooggiisa ayaa waxaa uu ka socdaa  degaanka Sarkuusta iyo jaamacassa Shabelle  oo  ku taal meel u dhow  KM 13.

Hubka ay isku ridayaan Ciidanka DFKM oo gacan ka hellay ciidanka AMSOM iyo ciidanka Al-shabaab ayaa laga maqlaya duleedka magaalada Muqdisho iyadoo ilaa hadda aan si rasmi ah loo aqoon khasaaraha ka dhashay dagaalka socda. Dadka baraka cayaasha ah ee ku sugan  duleedka  magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo wajahday cabsi ay ka qabaan in uu ku soo fido dagaalka.

Wixii ka soo kordha dagaalka ka socda duleedka Muqdisho dib ayaan idinka soo tabin doonaa insha Allaahu

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online