Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo oo ka qarxay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

February 11, 2012 - Written by

Hiiraan:-Waxaa saaka dagaal uu ku dhexmaray Xaafadda Howl-wadaag ee galbeedka magaalada Baladweyne 2 maleeshiyaad beelood oo wada dega magaalada Beled-weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, dagaalka saaka ayaan ilaa hadda la aqoon sababaha dhaliyey iyo wax uu ku bilowday. Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa ahaa kuwo inta badan xurguf  ay u dhexeyso taas oo salka ku haysa cidda gacanta ku haynaysa xukunka iyo maamulka magaalada ilaa intii magaalada ciidanka Itoobiya iyo kuwa soomaali ah ay ka qabsadeen ciidanka ururka Al-shabaab oo in mudo ah ka talinayey magaalada.

Masuul u hadlay ciidanka Dooxada Shabelle oo la xiriirsay saxaafada ayaa sheegay in dagaalka saaka ka dhacay magaalada beledweyne uusan ahayn dagaal u dhecxeeya 2 beelood oo wada dega magaalada balse uu u dhexeeyo ciidanka Dooxada Shabeelle iyo ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab oo dagaal ku soo qaaday farisamo ay ciidankoodu ku sugnaayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dagaalka oo khasaaro nafeed iyo mid hanti geystay ayaan dib idinkaga soo tabin doonaa wixii faahfaahin e ka soo baxda saacadaha soo socda insha Allaahu.

A/Cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online