Dagaal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

February 7, 2012 - Written by

Waxaa xala ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho dagaal  u dhexeeyey ciidnka DFKM oo gacan ka hellaya kuwa AMISOM  iyo ciidanka Al-shabaab, agaalka ayaa qarxay ka dib markii fariisamo ay ciidanka DFKM ku lahaayeenb degmada Dayniile ay soo weeraren ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Ilaa hadda lama garanayo khasaaraha kala gaaray dhinacyada dirirtu dhexmartay, iyadoo dhinacyada dagaalka uu dhexmaray ay kala sheegteen guulo, ciidanka AMISOM ayaa waxaa ay rideen madaafiic fara badan oo sababtay khasaaro aan ilaa hadda si rasmi ah loo shaacin maadaam xiliga dagaalku dhacay uu ahaa waqti habeen ah.

Dagaalka ayaa ku soo beegmaya xili ay saraakiisha ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ayh sheegteen in ay ka saareen magaaladac Muqdisho inta badan ciidanka Al-shabaab, Saraakiisha ciidanka Al-shabaab ayaa sheegay in ay bedelaan tabahoodii dagaalka si ay u yareeyaan khasaaraha soo gaaraya ciidankooda iyo in ay khasaaro badan gaarsiiyaan ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online