Diyaarado dagaal oo duqeeyey degaanka ka tirsan Gobolka Sh Hoose

February 24, 2012 - Written by

Afgooye:  Wararka naga soo gaaray magaalada Afgooye  ayaa sheegay in diyaarado laga leeyahay reer Galbeedka in ay duqeyn la bartilmaamsadeen gaari  marayey degaanka Nr 60 ee Gobolka Sh Hoose. diyaaradaha ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen diyaaradaha reer galbeedka ah ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya waxaan ay duqeyn ku burburiyeen 2 gaari  oo ah nooca Ruuneedka ah.

Wararka ilaa saaka ka soo baxay duqeynta cid lala bartilmaamsaday ayaa dadka degaanka waxaa ay sheegayaan in labada gaari ee la duqeeyey ay wateen saraakil iyo ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab, weerarka duqeynta ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen ilaa 6 qof oo aan ilaa hadda si cad loo shaacin magacyadooda iyo masuuliyadda ay ka hayeen ururka Al-shabaab.

Warar fara badan ayaa ka soo baxay dadka lagu dilay weerarka waxaan dadka degaanku ay saxaafada u sheegeen in duqeynta lagu dilay hogaamiyeyo u dhashay dalka Kenya oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Abuukar Xaaji Ahmad oo ka dhinac dagaalamayey ururka Al-shabaab xili uu ku sii jeeday deegaanka Gandarshe ee gobolka Sh.hoose.  Dadweynaha qaar ayaa saxaafada u sheegay in weerarka duqeynta lagu dilay Sh. Zakar oo ah hogaamiye ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Ilaa hadda  ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hogaanka ururka Al-shabaab oo ku aadan duqeynta dhacday iyo faahfaahin ku saabsan cidda lagu dilay weerarka , Duqeynta xalay ka dhacday degaanka Nr-60 ayaa ku soo beegmaysa xili shalay shir ka dhacay magaalada London la go,aamiyey in weeraro dhinac cirka lala bartilmaamsado hogaamiyaasha iyo fariisamaha uruka Al-Qaacid  uu ku leeyahay gudaha dalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online