Hay’adda Samafalka Imaam Khumeyni oo ka bilaawdey shiicaynta dhalinta Soomaaliyeed

February 12, 2012 - Written by

Muqdisho:-Xaalada uu marayo dalka Soomaaliya ayaa waxay sahashay in qolo walba ay ka adeegato waxaana baryahaan si weyn loogu arkay hay,ado badan oo kala duwan kuwaas oo leh ajandooyin u gaar ah waxaase ishayda ay qabatay Hay’adda Samafalka ee Imaam Khumeyni ee dalka Iiraan taas oo caan ku ah faafinta madhabka baadilka ah ee Shiicada. Hay’adda Samafalka Imaam Khumeyni ayaa ka dhistay machad ay ku sheegtay in lagu baranayo  diinta Islaamka iyo xirfooyin kala duwan iyada oo dooneysa in dhallinta aan diinta aqoonin ay barto madhabka Shiicada iyaga oo isticmaalaya Tuqyo.

Machadka ay fureen Hay’adda Samafalka Imaam Khumeyni ayaa waxaa uu ku yaal degmada Xamar-weyne  waxaana furitaanka machadka ka qeyb galay Masuuliin iyo xidhibaano ka tirsan baarlamaanka DFKM. Cabdul-Zahar Al-Saciidi oo ka mid ah madaxada  hay’adda Imaam Khumeyni ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Hay’adda Samafalka Imaam Khumeyni ay machad ka hirgaliyaan Muqdisho isaga oo sheegay in machadka uu bixin doono Shahaadooyin kala duwan.

Dowladda Iran ayaa awood iyo dhaqaalo badan galisay Soomaaliya si ay uga faa,iidaysato dowlad la.aanta iyo dagaalada iyo dacwadii Salaf ka oo sidii hore u socon si ay ugu faafiso Soomaaliya Madhabka Shiiciga ah.

C/casiis Maxamed
Halgan-net

Leave a comment

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online